30 Kenyaan ah oo qurbaha ugu dhintay Covid-19

Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa aqalka sare u sheegtay in tirada muwaadiniinta qurbajoogta ah ee wadamada kale ee caalamka ugu dhintay cudurka covid-19 ay tahay 30.

Waxay sheegtay in 193 Kenyaan ah oo ku kala nool wadamada Faransiiska , Talyaaniga Sweden iyo Koonfur Afrika uu cudurka haleelay.

Mrs. Omamo ayaa intaa ku dartay in 78 qof oo dadkan ka mid ah ay cudurka ka bogsadeen.

Wasiirradda ayaa sido kale xustay in hadda 88 kenyaan ah ay isbitaallo ku jiraan oo ayna suurtagal tahay in tiradan ay sii kororto.

Afar ka mid ah bukaannadan ayay xaaladooda caafimaad liidataa.

Sido kale ilaa 744 qof oo u dhashay wadanka kuwasoo ku xayirnaa qaar ka mid ah dalalka caalamka sida Ingiriiska, Shiinaha iyo India ayaa wadanka dib loogu soo celiyay.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.