30ka Ciyaartoy Ee Lagu Daray Buugga Dhacdooyinka Adduunka Ee Guinness World Records & Waxyaabaha Ay Ku Mutaysteen

Buugga dhacdooyinka Adduunka lagu qoro ee ‘Guinness World Record’ waxa ku jira tiro ciyaartooyo ah oo ku mutaystay in lagu daro rikoodho layaab leh oo ay ka sameeyeen kubadda cagta iyaga oo garoomada ku jira.

Laacibka ugu guulaha badan abaal-marinta xiddiga adduunka ee Lionel Messi oo lix jeer hantay iyo laacibka ay aadka u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo iyo waliba 29 laacib oo kale oo isugu jira kuwa kubadda cagta ka fadhiistay, kuwo da’yar oo muddo dheer sii ciyaari karaya iyo laacibiin kale oo bislaaday oo ku jira xilligii ay kubaddoodu u dhaqaaqaysay dhinaca is-dhinka.

Laacibka reer England ee Dele Alli ayaa liiskan ku biiray sannadkii 2017 markii uu garoonka dhexdiisa ku ceebeeyey xiddigo ay iska hor yimaaddeen, isla markaana uu si waalli siddeed uu kubadda uga dhex-saaray lugaha laacibiin ay iska hor yimaaddee

Goolhayihii ruug-caddaaga ahaa ee Arsenal iyo England ee David Seaman oo meesha ugu sarraysa ku qabtay kubbad ayaa liiskan ka mid ah, sidoo kalena Sadio Mane, Buffon, Casillas, Hakan Suker iyo Pele ayaa iyaguna ku jira.

Halkan kaga bogo 30-ka laacib ee buugga dhacdooyinka ku jira iyo waxyaabihii ay ku galeen:

Dele Alli – Daqiiqadihii ugu yaraa ayuu kubadda kaga dhex-saaray labada lugood ee ciyaartooyo ay iska hor yimaaddeen. 30 ilbidhiqsi ayay ku qaadatay inuu siddeed ciyaartoy ku ceebeeyo.

David Seaman – Kubaddii ugu sarraysay ee la qabto ayuu haystaa

Ederson – Laaggii ugu fogaa ayuu tuuray, waxaanu gaadhsiiyey 75.35 mitir

Nicklas Bendtner – Wuxuu dhaliyey goolkii ugu degdegga badnaa isaga oo beddel kusoo galay, kaas oo ku qaatay 1.8 ilbidhiqsi

Ryan Sessegnon – Kubbadihii ugu degdegga badnaa ee laga jaray birta goolka oo labada dhinac ah iyo xagga sare, waxaanay ku qaadatay 7.75 ilbidhiqsi isaga oo u ciyaarayay xulka qaranka England ee da’doodu ka hoosayso 21 jirrada

Iker Casillas – Wuxuu dhaliyey goolashii ugu badnaa ee laga toogtay badhtamaha garoonka, waxaanu sidaa ku sameeyey tartan uu qabtay telefishanka China laga leeyahay.

David Hirst – Kubaddii ugu xawaaraha dheeraynaysay ayuu dhaliyey September 16, 1996-kii. Waxay ku socotay masaafo dhan 183km/h

Jamie Redknapp – Wuxuu ahaa laacibkii ugu wanaagsanaa maamulidda kubbadaha masaafada sare maraysa

Javier Zanetti – Kulamadii ugu badnaa ee xidhiidh ah ayuu saftay horyaalka Serie A

Lionel Messi – Goolashii ugu badnaa ee sannad gudihii la dhaliyey, waxaanay ahayd sannadkii 2012 oo 91 gool uu saxeexay

Paolo Maldini – Ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee kabtan u noqda koox Champions League ciyaaraysa

Hakan Şükür – Goolkii ugu degdegga badnaa ee laga dhaliyo Koobka Adduunka, waxaanu dhaliyey jUNE 29, 2002 Koobkii Adduunka ee lagu qabtay South Korea iyo Japan. 11 ilbidhiqsi ayuu ku dhaliyey

Pele – Laacibkii ugu da’da yaraa ee gool ka dhaliya Finalka Koobka Adduunka, waxaanu ahaa 17 sannadood iyo 249 maalmood.

Sadio Mane – Saddexleydii ugu degdegga badnayd ayuu ka dhaliyey Premier League. Isaga oo u ciyaaraya Southampton ayuu Aston Villa kaga dhaliyey saddex gool 2 daqiiqadood iyo 56 ilbidhiqsi

Robert Lewandowski – Goolashii ugu badnaa ee xidhiidh ah ee laga dhaliyey Bundesliga

Gianluigi Buffon – Kulamadii ugu badnaa ayuu shabaqiisa nadiif ka dhigay horyaalka Serie A

Shane Long – Goolkii ugu degdegga badnaa Premier League, waxaanu ku dhaliyey 7.69 ilbidhiqsi

Sergio Ramos – Laacibka ugu guulaha badan kulamada caalamiga ah ee xulalka. 127 ciyaarood ayuu guuleystay

Peter Crouch – Goolashii ugu badnaa ayuu madax ku dhaliyey Premier League

Cristiano Ronaldo – Goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyey tartanka Qaramada Yurub

Christian Benteke – Goolkii ugu degdegga badnaa ee laga dhaliyo kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka

Kevin De Bruyne – Laacibkii ugu degdegga badnaa ee Premier League ka sameeya 50 gool caawimood

Cesc Fabregas – Laacibkii ugu degdegga badnaa ee 100 gool caawiyey Premie rLeague

Tim Howard – Badbaadintii ugu badnayd Koobka Adduunka

Petr Cech – Goolhayaha uu shabaqiisu ugu nadiifsan yahay Premier League

Francesco Totti – Laacibka ugu da’da weyn ee gool ka dhaliyey tartanka Champions League. 2014 ayuu rikoodhkan sameeyey isaga oo 38 sannadood iyo 59 maalmood jira kulan ay kooxdiisii Roma la ciyaartay CSKA Moscow

Trent Alexander-Arnold – Gool caawintii ugu badnayd ee Premier League ah ee ciyaartoy difaac ah uu sameeyo hal xili ciyaareed

Yaya Toure – Guulihii ugu badnaa ee isku xiga ee xiddignimada sannadka ee Afrika

Frank Lampard – Wuxuu goolal ka dhaliyey kooxihii ugu badnaa ee uu ka hor tegay

Michel Vorm iyo Cameron Carter-Vickers – Waxay wada ciyaareen baasaskii ugu badnaa ee kubbad-isku dhiibka garoonka gudihiisa iyagoo isku jira laba mitir oo kaliya, waxaanay isku dhiibeen 50 kubbadood.

Kylian Mbappe – Ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee lagu daro liiska tartameyaasha Ballon d’Or. 2017 ayaa isaga oo 17 jir ah uu kusoo baxay liiska

 

Chris Smalling – Wuxuu dhaliyey goolashii ugu badnaa Premier League isaga oo beddel kusoo galay.

Mid ka mid ah Shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub oo la soo af jaray

Ra’iisal-wasaaraha dalka Faransiiska ee Édouard Philippe ayaa ku dhowaaqay in guud ahaan dhacdooyinka ciyaaraha noocyadooda kala duwan laga joojiyay maanta oo Talaado ah illaa laga gaaro bisha September, xitaa garoomo xiran aanan lagu ciyaari doonin.

Xanuunka dunida ku faafay ee coronavirus ayaa sabab u noqday in ciyaaraha dunida oo dhan hakad la galiyo 12-kii Maarso, waxaana hubanti ahayn xilliga ay dunida ka bixi doonto xaaladda cabsida ah ee uu sababay xanuunkan.

Dalka Faraniiska ayaa dalalka Netherlands, Belgium iyo Argentina kula biiray waddamada joojiyay kubadda cagta xilli ciyaareedkan, maadaama aysan soo laaban karin inta lagu gudo jiro xagaaga.

“Xilli ciyaareedka 2019-20 ma sii socon karo,” ayuu yiri Ra’iisal-wasaaraha dalkaas galabta.

“Ma qabsoomi doonaan dhacdooyinka waaweyn ee ciyaaraha, gaar ahaan kubadda cagta, ka hor bisha September, xitaa albaabo xiran laguma ciyaari doono” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Waxaa la eegi doonaa saameynta uu go’aanka mudane Philippe ku yeellan doono kooxaha illaa hadda ciyaaraya tartanka Champions League, tusaale ahaan kooxda Olympique Lyonnais oo lugta labaad ee wareegga 16-ka la ballansan tartanka horyaalla Yurub.

Lyon ayaa lugtii hore ku adkaatay 1-0 kulankii Faransiiska ka dhacay, waxaana safarkoodii Turin uu baaqday kaddib markii Daniele Rugani uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Serie A oo coronavirus laga helay.

Illaa iyo hadda lama xaqiijin in horyaalka ay kooxi qaadi doonto, kooxna ay laaban doonto ama kooxo qaar ay tartamada Yurub iska soo xaadiriyaan.

“Waxaan u qalmay inaan garaaco Maxamed Saalax” – Kevin De Bruyne

Kubad sameeyaha kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Belgium ee Kevin De Bruyne ayaa ka hadlay guuldarradii ka soo gaartay abaal-marinta ciyaaryahanka sannadka ee horyaalka Premier League, kaddib markii uu kaga guuleystay Maxamed Saalax labo sano kahor.

Maxamed Saalax ayaa ku guuleystay abaal-marinta Premier League ee ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedkii 2017/18, kaddib markii uu dhaliyay 32 gool isla markaana uu ka caawiyay saaxiibadiis 11 gool kale, inkastoo Kevin De Bruyne iyo kooxda Manchester City ay xilli ciyaareedkaas ku guuleysteen koobka horyaalka.

Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Kevin De Bruyne, waxaana uu yiri:

“Ma aqaan sida ay cod bixiyayaashu uga fekerayaan kubadda cagta, mana aqaano waxa ay ku xisaabtamayaan inta ay codeynayaan, laakiin waxaan u maleynayaa inaan ku guuleysan lahaa abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican Premier League labo sano ka hor”.

“Laakiin waan fahmi karaa sababta uu Saalax ugu guuleystay, malaha sanadkaan waxaan fursad u heystaa inaan ku guuleysto, ma aqaano, waxaan u maleynayaa inaan heysto fursad fiican laakiin waxaa jira ciyaartoy kale oo soo bandhigay qaab ciyaareed fiican”.

Rio Ferdinand oo sheegay inuusan wali cafin John Terry kaddib falkii uu kula kacay walaalkiis 10 sano kahor

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa xaqiijiyay in uusan wali cafin John Terry, kaddib markii uu falkii isir-fuquuqa ahaa kula kacay walaalkiis Anton Ferdinand.

Warbixin lagu daabacay wargeyska “Daily Star” ee dalka England ayaa lagu sheegay in FA-ga uu John Terry ku helay dambi ah midab takoor ka dhan ah walaalka la dhashay Rio Ferdinand ee Anton Ferdinand, inta lagu gudi jiray kulan dhex maray kooxaha Chelsea iyo QPR, sanadkii 2011.

Halyeyga kooxda Chelsea ee John Terry ayaa kaddib dhacdadaas lagu ganaaxay inuu maqnaado afar kulan iyo bixinta lacago dhan 220 kun oo Pound.

Rio Ferdinand ayaa wuxuu qiray inuu wali ka soo horjeedo John Terry, kaasoo hadda ah kaaliyaha tababaraha Aston Villa, inkastoo in ka badan toban sano ay ka soo wareegatay markii ay dhacdadaas dhacday.

Haddaba Rio Ferdinand ayaa wareysi uu bixiyay waxaa soo xigtay wargeyska “Daily Star” ee dalka England, waxaana uu yiri:

“Haddii aan awoodi lahaa inaan saacadda dib u soo celiyo, waxaan ka hadli lahaa wixii dhacay maalinta koowaad, waxaana u sheegi lahaa walaalkay inuu hadlo”.

“Waxaan helnay talo, waa inaad xasuusnaato inay jiraan wakiilo sharci ee kooxda, horyaalka iyo FA-ga ah, dadkan kala duwan waxay u hadlaan waxa anaga inoo wanaagsan”.

Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo oo la qorsheynayo in gabi ahaanba la kansalo haddii…

Sida warbixinnadu ay tilmaamayaan Ciyaraha Olombikada ee Tokyo ayaa la qorsheyanayaa in la kansalo haddii faafaha COVID-19 uu sii socdo ilaa sanadka soo aaddan.

Haddii dhibaatada coronavirus-ka adduunka aan la xakameyn sanadka dambe, Ciyaaraha Tokyo ee 2020 oo horey loo qorsheeyay bisha July ee 2021-ka waa la kansali doonaa, sida uu wareysi ku sheegay Madaxweynaha guddiga qaban-qaabada.

Isagoo la hadlayey Wargeyska maalinlaha reer Japan ee Nikkan Sports, Madaxweynaha qabanqaabada Yoshiro Mori wuxuu meesha ka saaray suurtagalnimada in 2020 Olombikada dib loo dhigo wixii ka dambeeya 2021-ka.

“Haddii Covid-19 uu wali khatar ku sii yahay adduunka sanadka soo socda, Ciyaaraha Olombikada ma dhici doonaan gabi ahaanba.” ayuu yiri Yoshiro Mori.

Dani Ceballos: “Xiddigaha Arsenal waxay lahaayeen astaamaha Covid-19, laakiin lama baarin”

Xiddiga khadka dhexe ee reer Spain, Dani Ceballos ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda Arsenal ay la haayeen astaamaha calaamadaha caabuqa coronavirus kaddib markii cudurkan laga helay Macallin Mikel Arteta, laakiin aan laga baarin.

Arteta ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ku sugan Premier League ee laga helay cudurkan bishii Maarso, waxaana la hakiyey ciyaarista kubadda cagta tan iyo markaas.

Dhammaan kooxda koowaad ee Arsenal ayaa markii dambe la karantiilay labo toddobaad, laakiin Ceballos  oo lahadlayay Movistar ayaa haatan shaaca ka qaaday in ciyaartoy dhowr ah ay sidoo kale la heeyeen astaamaha caabuqan.

“Waxaan soo toosay subaxnimadii oo waxaan arkay Mikel Arteta oo baarintaan lagu sameeyey isla markaana laga helay,” ayuu yiri Ceballos.

“Kooxda waa la karantiilay, waxaa jiray ciyaartoy leh astaamaha caabuqan, laakiin dhammaanteen waan fiicannahay, iyaguna nama aysan baarin.”

“Waxaan ku dadaalaa sida ugu fiican ee aan karayo, way adag tahay in qoyska laga fogaado, halkan [England] waxaad ku socon kartaa dariiqa si sahlan oo aad u tagi kartaa Jimicsi maalintiiba.”

This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.