Wararka laga helay gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn degmada Gaarisa.

Inkastoo aan la ogeyn tiro rasmi ah khasaaraha ka dhashay weerarkan haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan waxaana war ay ku qoreen warbaahintooda ku sheegeen in ay gudaha ugu galeen Ciidamada Kenya, isla markaana ay bur-buriyeen agabkii ay ku howlgalayeen ee xerada u yaallay.

Weerarkan ayaa imanaya xili maalintii shalay taliska Mareykanka ee Africom sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku lug lahaa weerarkii bishii hore lagu qaaday saldhiga Mandi Bay ee gobolka Waqooyi Bari oo xarun u ah ciidamada Mareykanka.