Amar ka soo baxay madaxweynaha oo qareenada ay ku kala qaybsameen

Garyaqaanada dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amar madaxweyne oo dhigaya in agaasimaha maamulka NMS Maxamad Badi uu ka qayb galo kulamada golaha wasiirada.

Mas’uulkan ayay horay dowladda dhexe u xilsaartay maareynta ilaa afar shaqo oo laga wareejiyay dowladda ismaamulka Nairobi.

Shalay ayaa lagu dhaariyay munaasabad uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta guddoominayay.

Dhaarashadan oo ku saleysan ilaalinta siraha ayaa la mariyaa cid kasta oo ka qayb galaysa kulamada ay yeeshaan golaha wasiirada.

Sida ku qeexan amarka madaxweyne ee saddexaad ee sannadkan waxaa uu Maxamad Badi qayb ka noqon doonaa fadhiyada wasiirada iyo guddiyada kala duwan.

Axmadnaasir Cabdullahi oo ka mid ah qareenada dalka ayaa sheegay in madaxweynaha uu awood dastuuri u leeuyahay cidda uu soo magacaanaya.

Nelson Havi, madaxa ururka qareenada ee LSK ayaa dhankiisa xusay in magacaabidda madaxweynaha la doonayo in baarlamaanka uu kormeer ku sameeyo sidaas awgeedna Maxamad Badi uusan ka qayb geli Karin kulamada wasiirada iyadoo aan go’aankaas la ansaxin.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.