Barasaabka Garissa oo kulan la qaatay madaxa hay’adda WFP

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa kulan la yeeshay agaasimaha hay’adda cunnada adduunka ee WFP u qaabilsan Kenya Lauren Landis.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka dhaqashada xoolaha , suuqgaynta , falcelinta degdegga ah , nafaqada iyo cuntada la siiyo ardayda dugsiyada hoose.

Sidoo kale waxay isla soo hadal qaadeen sida dhallinyarada looga caawin karo ganacsiga la xiriira wax soo saarka beeraha.

Qodobka kale ee ay barasaabka Garissa iyo agaasimaha WFP ee Kenya ay soo hadal qaadeen ayaa ah in gargaar cunno la siiyo 70,000 oo qoysas ah maadaama ay ismaamulkaasi saameyn wayn ku yeelatay abaarta.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.