Berri oo la turxaan bixinaya macallin loo soo xushay barasaab ku xigeenka Wajeer

Guddiga golaha hoose ee ismaamulka Wajeer u qaabilsan qiimeynta mas’uuliyiinta loo soo magacaabo xilalka kala duwan ayaa la filayaa inuu berri ee 17-ka bishan turxaan bixiyo Haashim Muusa Yuusuf.

Horraantii bishan ayay ahayd markii uu shakhsigan oo macallin ah uu soo xushay guddoomiyaha Wajeer Axmad Cali Mukhtaar si uu ku xigeen ugu noqdo.

Xilka barasaab ku xigeenka Wajeer ayaa bannaanaday 18-kii bishii shanaad ee sanadkan ka dib markii jagada guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyay Axmad Cali Mukhtaar oo ku xigeen u ahaa Maxamad Cabdi Maxamuud oo xilka laga xayuubiyay.

Turxaan bixinta Haashim Muusa ayaa billaaban doonto abaare 10-ka barqanimo ee Talaadada.

Karaaniga golaha hoose ee dowlad deegaanka Wajeer Shaale Sheekh Mursal ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in cid kasta oo ka soo horjeedda magacaabidda barasaabka ku xigeenka ay haysato ilaa 4-ta galabnimo ee berri oo Isniin ah si ay warbixinteeda u gudbiso.

Xogta la gudbinayaa ayaa la doonayaa inay ahaato qaab qoraal oo ay dhaarasho weheliso.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.