Booliska Kenya oo fashiliyay weerar lala damacsanaa saraakiishaa ammaanka ee Garissa

Isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari kenya Nick Ndalana ayaa sheegay in ciidamada booliska ee Garissa ay iska caabiyeen koox looga shakiyay Al-Shabaab oo doonaysa inay weerar fuliso.
Mr. Ndalana ayaa xusay in rasaas la isweydaarsaday kaddib markii baabuur ay saraakiisha leeyihiin miino wadada loo geliyay.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku dhuftay in dhacdadaas ay shalay ka dhacday wadada xiriirisa deegaanka Bura-East iyo Garissa.
Isku duwaha ayaa xusay in kooxda kaddib markii ay ogaatay in bambadii ay wadada geliyeen aynan khasaare gaysan ay rasaas ku fureen ciidamada.
Saraakiishan ayaa markaas ka soo tagay saldhigga booliska ee Bura East.
Mr. Ndalana ayaa intaa ku daray inaynan jirin cid israsaaseynta ay waxyeello ka soo gaartay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii weerar kale oo laga gaystay Qorof Xaraar oo ka tirsan ismaamulka Wajeer lagu burburiyay qalab isgaarsiineed.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.