Boqolkiiba 83 ee shacabka waqooyi bari oo taageeray BBI

Cilmi baaris cusub oo ay sameysay shirkadda (IRS) ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 83 ee dadweynaha ku nool ismaamullada gobolka waqooyi bari ay taageero u hayaan barnaamijka dib u heshiisiinta iyo mideynta ee loo yaqaano BBI.

Isku celcelis ahaan boqolkiiba 47 ee shacabka la wareystay ay la dhacsan yihiin arrimaha dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.

Warbixin laga soo saaray darasaadkan oo la soo bandhigay ayaa tilmaamaysa in boqolkiiba 41 ee dadka su’aalaha la weydiiyay aynan taageersanayn dadaalkii ay billaabeen madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga mucaaradka ee ODM, Raila Odinga.

Sahan cilmiyeedkan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 10-kii ilaa 15-kii bishan.

Waxaa ka qeyb galay oo su’aalo kala duwan ka jawaabay 4,224 qof.

Boqolkiiba 49 ee dadka BBI taageeray waa rag halka dhumarka ay yihiin 44 boqolkiiba.

Sido kale boqolkiiba 12 waa ay ka gaabsadeen inay su’aalaha ka jawabaan.

Tageerada ugu hooseysa ee loo hayo BBI ayay shirkadda IRS sheegtay inay ka jirto gobolka xeebta waxayna tahay boqolkiiba 23.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.