Ciidamada difaaca oo dilay 4 ka tirsan Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya keynta Boni Forest ee ismaamulka Lamu ayaa sheegaya in ciidamada gaashaan dhigga ee wadanka ee KDF ay halkaasi ku dileen 4 qof oo xubno ka ah Al-Shabaab.

Ciidamada oo weerar ku qaaday fariisin ay kooxdu leedahay ayaa dhanka kale gacanta ku dhigay hal dagaalyahan.

Saraakiisha ayaa howlgalkaas ku soo helay qalabka isgaarsiinta iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dil loo gaystay guddoomiye ku xigeenkii tuulada Gamuureey ee ismaamulka Wajeer.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.