Ciidamada Tigray ‘oo soo riday diyaarad dagaal’

Maamulka Tigray ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya isla markaana ay qabteen duuliyihii waday diyaaradda xilli uu afar toddobaad galay dagaalka ka socdo gobolkaas, sida uu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

“Diyaarad dagaal nooca MIG oo ay soo direen ciidamada diktaatooriga ah ee Abiy iyo Isaias, madaxweynaha Eritrea si ay u xasuuqdo shacabka Tigray ayaa waxaa soo riday ciidamada difaaca Tigray meel u dhaw deegaanka Abiy Adi oodhaca bartamaha gobolka, duuliyiihii diyaaraddana waa la qabtay” ayuu ku warramay teleefishinka maamulka Tigray.

Wasiirka arrimaha dimuqraadiyadda u qaabilsan dowladda Itoobiya Zadrig Abraha ayaa BBC u sheegay in wararka sheegayo in diyaarad laga soo riday uu yahay mid aan waxbo ka jirin.

Waxaa aad u adag in la xaqiijiyo wararka gobolkaasi laga helayo maadaama isgaarsiinta ay go’an tahay.

Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaarsaneyso oo ay ku raadjoogto hogaamiyayaashii gobolka Tigrey, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigrey ee Mekelle.

Mr Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.