Dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ka cararay gobolka Mudug oo gaaray gobolka Bari

Ugu yaraan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa doon ku tagay Tuulada Hul Aanood ee Gobolka Bari, sida uu qoray bog ka faallooda wararka ururada argigixisada oo la yiraahdo intelligencebriefs.

Maleyshiyaadka Al-shabaab waxaa la sheegay inay ka carareen degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciiddan oo ay waddaan ciidanka milatariga Soomaaliya oo doonaya inay Al-shabaab ka saaraan gobolada dhexe.

Qulqulka cusub ee Al-shabaab wuxuu qeyb ka yahay qorshe ay ku xoojinayaan awoodooda dhulka buuralayda Puntland sidoo kalena ay ku helayaan gabbaad ay kaga dhuuntaan beegsiga duqeymaha Maraykanka.

Gobolka Bari waa goobta kaliya oo ay kooxaha Shabaab iyo Daacish kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Puntland.

Labada koox waxay horey u qabsadeen dhulal kala duwan oo kuyaala tuulooyinka fog fog ah ee gobolka Bari halkaasoo uu midba midka kale ku weeraro.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.