Darasaad lagu sheegay in boqolkiiba 30 ee Kenyaanka ay ku adkaatay bixinta kirada guriyaha

Darasaad cusub oo ay sameeysay waaxda qaran ee tirakoobka (KNBS) ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 30.5 ee kenyaanka aynan u fududeyn inay bil kasta waqtiga habboon ku bixiyaan lacagaha kirada ee guriyaha ay deggan yihiin.

Tiradan ayaa u dhiganta saddex meelood hal meel tirada guud ee shacabka wadanka.

Boqolkiiba 52.9 ee dadka la wareystay ayaa sheegay in bishii afaraad ay bixin waayeen kirada maadaama dakhligii soo geli jiray uu hoos u dhacay halka boqolkiiba 22.4 ay taasi u aaneeyeen inay shaqo la’aan noqdeen.

Tani ayaa qeyb ka ah saameynta dhinacyada badan ah ee uu caabuqa corona ku yeeshay dalka.

Sido kale cilmi baaristan waxaa ka soo baxay in lacagaha baabuurta dadweynaha ee maro waddooyinka kala duwan lagu raaco ay boqolkiiba 51.7 kordheen.

Meelaha ugu daran ee sare u kaca dhanka nooliga laga soo tabiyay ayaa ah ismaamulka Migori oo lagu sheegay boqolkiiba 77.2.

Sababaha kale ee culeyska jiro loo cuskaday waxaa ka mid ah in boqolkiiba 13.9 ee dadka la wareystay ayaa sheegeen inay shaqo la’aan yihiin.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.