Dowladda ayaa sheegtay inay lacag dhan 1.85 bilyan oo shilin u qoondeysay inay wax uga qabato saameynta ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday ee sida gaarka ah u taabtay shacabka ku nool 13 ka mid ah dowlad deegaanada dalka.

602 milyan oo lacagtan ka mid ah ayaa lagu wareejiyay wasaaradda dowlad wadaajinta si ay ugu adeegsato qeybinta cunada gargaarka ah.

Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa ayaa shaaca ka qaaday in 1.1 milyan oo qof ay si aad ah cuno ugu baahan yihiin.

Mr. Wamalwa ayaa hoosta ka xariiqay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay shacabka ku nool ismaamulada ay abaartu saameysay loo qeybiyay 26,200 loor oo galeey ah , 15,420 bariis ah , 1,700 loor oo digir ah iyo saliidda cuntada lagu karsado.

Wasiirka ayaa sheegay in 13-ka dowlad deegaan ee ay ka jiraan cuno yarida iyo biyo la’aanta la siiyay min 5 milyan oo shilin.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in mudnaanta koobaad la siinayo sidii loo badbaadin lahaa dadka ay nooloshoodu halista ku jirto.

Wasaaradda beeraha ayay dowladda dhexe u qoondeysay 600 milyan oo shin si loo kobciyo wax soo saarka beeraha halka wasaaradda biyaha lagu wareejiyay in ka badan 650 milyan oo shilin.

Sido kale wasiirka ayaa sheegay in ugu yaraan hal bilyan oo shilin loo adeegsaday barnaamijka dadka nugul iyo waayeelada looga badbaadiyo inay macluul u dhintaan .