Dowladda oo Kenyaanka u xaqiijisay in cudurka Covid-19 uu dhab yahay

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Karanja Kibicho oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Radio Citizen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay dowladda ee ah in shacabka iska cadaadinayso oo uunan cudurka dhab ahayn.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inaynan suurtagal ahayn in Kenya iyo wadamada kale ee caalamka ay soo saaraan tallaabooyin saameyn ku leh nolosha muwaadiniinta iyadoo uunan cudur jirin.

Dr.Kibicho oo tusaale u soo qaatay qaar ka mid ah dalalka dunida ayaa carrabka ku adkeeyay in cudurka Covid-19 uu halis yahay.

Sido kale waxaa uu tilmaamay in mas’uuliyadda koobaad ee dowladda saaran ay tahay ilaalinta badqabka iyo hantida shacabkeeda.

Xoghayaha ayaa dadweynaha ku booriyay inay raacaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynayo faafitaanka caabuqa corona wuxuuna kula taliyay inaynan u arkin cadaadis aan loo qiil dayi Karin oo la saaraya

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.