Dr Fred Matiangi oo sheegay in loo jeedin dadka Islii

Wasiirka arrimaha gudaha iyo iskuduwida hawlaha qaran ee dalka Kenya Dr Fred Matiangi ayaa kulan la yeeshay hogaamiyaasha xaafadda Islii isagoona kala hadlay xaaladda xaafadda iyo dadka waxay dareensan yihiin.

Wasiir Matiangi ayaa sheegay inaysan Jirin cid bartilmaameedsi ku heysa xaafadda Islii .

Waxaa uuna intaas ku daray in dadka ku nool islii iyo guud ahaan Kenya ay mid yihiin.

Hadalka Dr Matiangi ayaa yimid ka dib markii dadka ku nool xaafada ay u badan tahay Somalida ay sheegeen in xayiraadda la saaray islii loola dan lahaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka dhawaajiyay in xiritaanka ganacsiga ay dowladda dan ugu jirin ayna ka helaysay canshurta ugu badan.

Waxaa uuna sheegay in dhibaatada koowaad ay soo gaarayso hadii ganacsi albaabada loo laabo ay xukumada tahay.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.