ducaale oo la filayo inuu maanta ka hadlo xilka qaadistiisa

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aaden Barre Ducaale ayaa la filayaa inuu maanta qabto shir jaraaid oo uu kaga hadlaya xilkii shalay laga qaaday.

Shalay ayuu sheegay in 7 sano iyo dheeraad uu sida habboon waajibaadkiisa u gudanayay.

Hasa ahaate waxaa xusay inuunan weli helin faahfaahin dhamaystiran oo loo cuskaday tallaabadii xilka looga xayuubiyay.

Mudane Aden Bare Ducale ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooga ku sheegay in waqtikiisa 7-da sano ahayd ee uu jagadan hayay ay shalay dhamaatay .

Waxaa uu intaa ku daray inuu ahaa qofkii ugu horeeyay oo kursigan ku fadhista isagoo dhanka kale hoosta ka xarriiqay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka hogaamiyaha aqlabiyada aqalka Baarlamaanka haayay tan iyo sanadkii 2013-kii.

Xildhibaanka Garissa Township ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Jubilee uga mahadceliyay fursadii uu siiyay.

Sido kale waxaa uu u mahadceliyay madaxweyne Ku xigeenka dalka William Ruto iyo dhammaan xubnaha Jubilee.

Sido kale kale Mr .Ducaale ayaa ugu hambalyeeyay Amos Kimunya oo jagadiisa kala wareegay ,waxaa uuna u rajeeyay shaqo wanaagsan.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.