Ethiopia oo shaacisay dad ka yimid maamul goboleedka Puntland in laga helay cudurka Covid19

Ethiopia waxay soo bandhigtay afar kiis oo cusub oo ah COVID-19, oo laga soo saaray baaritaan laga qaaday 766 qof 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Dhammaan kiisaska la xaqiijiyay waa muwaadin Itoobiyaan ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Saddex ka mid ah waxay ka yimaadeen Puntland waxayna ku sugnaayeen xarun karantiil oo kutaala jaamacadda Jigjiga.

Sideed dad ka badan ayaa sidoo kale ka soo kabsaday fayraska, taas oo wadarta tirada soo kabashada ka dhigaysa 58 qof.

Tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyey ee COVID-19 ee dalka Ethiopia ayaa haatan gaarey 126 qof. Dhimashada ayaa weli ah 3, iyada oo guud ahaan dadka laga baaray cudurka ay gaareen 16, 434.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.