Farmaajo;” Xil Ka Qaadiste Xundubey Waa Sharci Darro Mana Waafaqsano Dastuurka”

Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka soo horjeestey xilka qaadis lagu sameeyay wasiirkii hore e Amniga Xasan Xundubey waxana uu ku tilmaamay inuu yahay xilka qaadistan mid aan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kastaas.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada balse aan lagu daabacin warbaahinta qaranka ayaa u qornaa sidan;

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaasha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u magacaabay Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga isagoo xilkaas ka qaaday Xasan Xundubey.

Khilaafka ka bilowday shaqo joojinta uu ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay Agaasimihii hore ee Nabadsugida ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoo laga cabsi qabo in ay soo baxaan caawa wareegtooyin kale oo xilka qaadis iyo magacaabis ah.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.