Ferdinand oo go’aamiyay waxa ay Man United u baahan tahay si ay ugu tartanto hanashada Premier League

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa go’aamiyay waxa ay Red Devils u baahan tahay si ay ugu tartanto hanashada horyaalka Premier League.

Man United ayaa raadineysa inay la soo saxiixato wax ka badan hal ciyaaryahan suuqa xagaaga ee soo socda, iyadoo xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho uu u yahay bar-tilmaameedka koowaad.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daabacay wareysi uu bixiyay Rio Ferdinand, waxaana uu yiri:

“Haddii aad fiiriso kooxda aad hadda heysato, waxaad heleysaa Scott McTominay oo uu wehliyo Bruno Fernandes oo dhinac ah iyo Paul Pogba oo dhinaca kale ah”.

“Marcus Rashford oo horey ah, Anthony Martial dhanka bidix ah, Daniel James ama haddii ay la saxiixdaan Jadon Sancho oo garabka midig ah”.

“Awood ayaa jirta, tani waa wax aan macquul ahayn, haddii ay heli karaan isku duubnidaan, kooxda wey fiicnaan doontaa, marka waxaan u baahanahay Paul Pogba, waxaana ka dooneynaa kooxdaas”

“Waxay ku xiran tahay Pogba, iyo Ole Gunnar Solskjær iyo awooda kale ee ku sugan kooxda, waxaan rabaa unuu sii joogo kooxda, waxaan ahay taageere Manchester United”.

“Waxaan rabaa inaan sii arko isaga oo xiran maaliyada gaduudan, si aan u awoodno inaan u tartano horyaalka Premier League iyo waxyaabo kale”.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.