Gabadh Muslimad ah oo noqotay garsoorihii ugu horreeyay ee xijaabka xirta dalka Britain

Haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa noqotay garsoorihii ugu horreeyay ee reer galbeed ah oo xijaaban, waxa ay rajaynaysaa in ay dhiirrigelin u noqoto dhalinyarada muslimiinta ah.

Raffia Arshad, oo 40 jir ah, kuna kortay magaalada Yorkshire, woqooyiga England, waxay dooneysay inay sharciga ka shaqeyso tan iyo markii ay jirtay 11 sano.

Ms Arshad, oo ah qareen, ayaa usbuucii la soo dhaafay loo magacaabay ku xigeenka garsooraha degmada Midlands.

Waxay sheegtay in dalacsiinteeda ay ahayd war weyn oo ku saabsan kala-duwanaanshaha nidaamka sharciga adduunka ee aadka loo ixtiraamo.

Ms Arshad ayaa sheegtay in xafiiska garsoorka uu raadinayay inuu sare u qaado kala duwanaanshaha, laakiin markii ay magacaabeen iyagu ma aysan ogeyn inay xijaab qaadatay.

’’Waa u muhiim dumarka oo dhan, laakiin waxay si gaar ah muhiim ugu tahay haweenka muslimiinta ah,’’ ayay tidhi Ms Arshad.

Ms Arshad, oo ah hooyo seddex caruur ah leh, Waxay ahayd qofkeedii ugu horreeyay ee qoyskeeda taga jaamacad sidoo kale waxay qortay qoraal hordhac ah oo ku saabsan sharciga qoyska Islaamka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.