Ganacsatada Qaadka Kenya oo sheegay gobolka Meru inuu galay faqri aad u xun ah markii la joojiyay Qaadkii Soomaaliya

Ganacsatada Qaadka iyo Beeraleyda Mira ee dalka Kenya ayaa waxay dhigeen mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan xayiraada saaran Qaadka Soomaaliya loo dhoofin jiray oo ku dhawaad muddo saddex bilood xayiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa u xayirtay soo dejinta Qaadka dalka gudihiisa iyadoo laga hortagayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee coronavirus.

Balse, Qaadka ayaa magaalada Muqdisho iyo meelo katirsan gobolada koonfurta Soomaaliya ku taga hab qarsoodi ah, iyada oo la adeegsanayo in lagusoo Qaado Doomo kasoo shiraacda xeebaha gobolka Lamu ee Kenya.

Isbahaysiga ganacsatada daroogada, beeralleyda, ururada ganacsatada iyo kooxaha diimaha ee Kenya waxay u ololeynayaan inay ku guuleystaan dhoofinta alaabada ay ka mid yihiin Qaadka, iyagoo dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay xayiraada ka qaado qaadka.

Ganacsatada oo fariin u diray dowladooda ayaan rumeysan Qaadka la’aantiisa (Meru) in magaaladoodu ku noolaan doonto faqri aad u xun.

Waxay sidoo kale walaac hor leh ka muujiyeen xayiraada saaaran xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay, kadib markii lagusoo rogay bandow xoogan, taasoo keentay inuu istaago ganacsigii Qaadka ee xaafaddaas.

Dowladda Kenya ayaa maalin walba dhaqaale xoogan ka heli jirtay Qaadka ay u dhoofiso Soomaaliya. Waxaana joojintaan ay sababtay inay hoos  udhacdo nolasha qoysas badan oo ku tiirsanaa ka ganacsiga Qaadka.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.