Garoonka caalamiga diyaaradaha ee Isiolo oo la dhameystiri doono bisha sagalaad

Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in bisha soo socoto ee sagalaad la dhameystiri doono dhismaha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee ismaamulka Isiolo oo hadda gacanta lagu hayo.

Waxaa uu mas’uulkan xusay in marka la ballaariyo garoonka ay si maalinla ah uga duuli doonaan sidoo kalena ku soo degi doonaan diyaaradaha rakaabka.

Mr. Oguna ayaa sheegay inuu yaraan doono waktiga ku baxo in badeecooyinka laga soo safriyo ismaamulkaasi iyo Meru oo la keeno Nairobi.

Sidoo kale waxay tani yareynaysaa shilalka ay sababaan baabuurta qaadka sida laga soo xigtay Cyrus Oguna oo ah afhayeenka dowladda dhexe.

Dhismaha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee ismaamulka Isiolo oo uu madaxweyne Uhuru Kenyatta furay 23-kii bishii Toddobaad ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa ku baxay qarash dhan 3.1 bilyan oo shilin.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.