Geerida madaxweynaha Burundi ma ka faa’iideysan kartaa Rwanda?

Dalka Burundi waxaa uu ku gudo jiray diyaargarow ku aaddan sidii xilka loogu wareejin lahaa madaxweynaha dhawaan la doortay ee Evariste NDayishimiye, balse shalay waxaa geeriyooday madaxweynaha haya talada ee Pierre Nkurunziza kaas oo uu wadnaha istaagay.

Waxaa lagu waday in madaxweynaha dhintay uu xilka wareejiyo bisha Agoosto, baarlamaanka dalkaas waxay u diyaariyeen in Nkurunziza la siiyo lacag uu ku qaadanayo howlgabnimada oo dhan 540 kun oo doolar iyo guri qurux badan oo uu ku noolaado, loona aqoonsado nin aad looga xurmeeyo gudaha Burundi.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalloodda arrimaha Afrika, ayaa sharraxaya tallaabada xigi karta geerida madaxweynaha Burundi.

“Sida uu dastuurka Burundi uu qabo haddii madaxweynuhu uu dhinto asaga oo weli xafiiska haya waxaa markiiba xilka qabanaya guddoomiyaha baarlamaanka”

“Waxaan ka warqabnaa in madaxa sirdoonka uu yahay nin adag oo ka hortagay isku dayadii afgembii ee hore walow Tanzania ay aad uga caawisay, uuna ahaa ninkii adkaa ee badbaadiyay Nkurunziza, laakiin sida aan hadda aragno hannaanka socda ilaa waxaa laga hadlay qaabka tacsida iyo in dalka baroordiiq la geliyo 7 cisho kaddibna guddoomiyaha baarlamaanka la wareegi doono xilka,” ayuu yiri Bursaliid.

Madaxweynihii hore ee Burundi Ndayizey Domitien ayaa BBC u sheegay in shacbaka Burundi ay amniga xaqiijinayaan islamarkaana ay ka dhuursugayaan dowladda xigta ee la dhisi doono.

“Haddii aan nahay shacabka Burundi amniga ayaan mudnaanta koowaad siineynaa, waxaan raaceynaa halka ay dowladda inoo hogaamiso. Waxaan kasoo gudubnay dooorasho waxaana ognahay in madaxweynaha xiga ee dalka uu xaadir yahay,” ayuu yiri.

Waxaa uu sidoo kale Dr Bursaliid sheegay in geerida madaxweynaha ay timid xilli Burundi ay ka taagan yihiin arrimo ay kamid yihiin cabsida ka dhalatay isku daygii afgembi ee hore uga dhacay dalkaas iyo xiriirka Burundi iyo Rwanda oo aan wanaagsaneyn.

“Iyadoo kol hore isku day afgembi uu dhacay cabsidiina ay weli taagan tahay, xiriirka Burundi iyo Rwanda aanu aad u ficneyn, ilaa iyo haddana aanan la garaneyn waxa dhinaca kale nooga imaan kara, oo ah ka faa’ideysi iyo wixii lamid ah iyo in xaaskiisa ilaa toddobaadkii lasoo dhaafay dalka Kenya lagu daweynayay.”

“Waxaa suuragal ah inay la xanuunsan tahay fayraska oo isagu laftiisa uu horay u inkiray dalkana ka eryay wakiilladii Ha’yadda Caafimaadka Adduunka” ayuu yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid.

Burundi waxaa sannadkii 2015-tii ka dhacay doorasho muran badan dhalisay kaddib markii mudaharaadyo rabshado wata ya ka dhaceen caasimadda, kuwaasoo looga soo hor jeeday go’aankii uu Mr Nkurunziza mar saddexaad ugu soo istaagay xilka, wuxuu dalka noqday mid ka go’doonsan gobolka.

Maxaa la gudboon madaxda cusub ee dalkaas?

“Burundi iyo madaxda cusub waxaa la gudboon inay gooni isu taagga siyaasadeed ay galeen ay ka baxaan, inay dib ugu soo biiraan urur goboleedka loo yaqaano Bariga Afrika ee dhaqaalaha iyo in sida haddaba ciidammo nabad ilaalin uga joogaan Muqdisho dhexdhexaad uga yihiin colaadda sokeeye ee Soomaalida iyo nabadeynteedaba ay kaalintoodi gobolka iyo tan beesha caalamka dhexdhexaad uga noqdaan.”

Geerida madaxweynihii Burundi ayaa Talaadadii lagu sheeciyay bogga ay dowladdiisa ku leedahay Twitter-ka.

Waxaa guud ahaan dalkaas looga dhawaaay toddobo maalmood oo baroordiiq qaran ah.

Warbixin qoraal ah oo dowladda ay soo saartay waxaa lagu sheegay in Sabtidii Nkurunziza la seexiyay isbitaal ka dib markii uu xanuun dareemay.

Xaaladdiisa ayaa soo hagaagtay ka dibna Isniintii waxaa laga saaray Isbitaalka. Wuxuu horay u qabay wadne xanuun. Dadaalkii la doonayay in lagu daweeyayana wuxuu noqday mid guul dareystay.

Mr Nkurunziza wuxuu Burundi hoggaaminayay tan iyo 2005.

Wuxuuna hadda isu diyaarinayay in 20-ka bisha Aguast uu xilka dalka ku wareejiyo madaxweynaha la doortay Evariste NDayishimiye.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.