Golaha warbaahinta dalka oo cambaareeyay xadgudubyada ay boolisku u gaystaan suxufiyiinta

Golaha warbaahinta ee dalka ee MCK ayaa cambaareeyay weerarro iyo dhibaateyn uu ku tilmaamay kuwo soo jiray oo ay maalmihii ugu dambeeyay qaar ka mid ah saraakiisha booliska u gaysteen wariyaal.

Madaxa fulinta ee MCK David Omwoyo, ayaa bayaan uu soo saaray oo nuqul ka mid ah ay heshay idaacadda Star FM ku sheegay in toddobaadyadii ugu dambeeyay ay diiwaangeliyeen labo dhacdo oo xadgudub ah.

Dhibaatooyinkan ayaa saameeyay Simon Ben oo warbaahinta qaranka ee KBC uga howlgalo ismaamulka Nakuru iyo Muraya Kariuki oo ka mid ah wariyaasha shirkadda (RMS) xarunteeda Nairobi.

Qoraalka MCK waxaa ku cad in suxufiyiintan si aan habbooneyn loola dhaqmay booliskuna ay dhibaateeyeen.

MCK ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo ku xadgudbaya xuquuqul aadanaha iyo madax bannaanida saxaafadda.

Waxaa uu golaha warbaahinta ee dalka hay’adaha kala duwan ugu baaqay inay baaritaano ku sameyaan dhacdooyinkan oo ayna sida ugu dhaqsiyaha badan dacwad ugu soo oogaan dadkii tacaddigan gaystay.

Sidoo kale MCK ayaa warqad arrinkan ku aaddan u qortay maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA.

Abaanduulaha ciidamada booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhanka kale laga dalbaday inuu dardargeliyo baaritaanada kiisaska la xiriira weerarrada loo gaystay wariyaasha ee laga diiwaangeliyay saldhigyada booliska wadanka oo qaar ka mid ah uu hakad ku yimid.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.