Golayaasha ismaamullada oo maxkamadda dacwad u gudbiyay

Dalladda ay ku mideysan yihiin golayaasha ismaamullada wadanka ayaa maxkamadda qaabilsan arrimaha dastuurka u gubisay dacwad ku saabsan hindise sharciyeed dhawaan la ansaxiyay.

Hindise sharciyeedkan ku saleysan isbeddel lagu sameeyay shuruucda dowlad deegaannada ayaa waxaa 9-kii bishan qalinka ku duugay madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta.

21-kii bishii Afaraad ee sannadkan ayuu ansaxiyay aqalka sare halka baarlamaanka uu tallaabadan mid la mid ah qaaday dhammaadkii bishii hore ee June.

Waxaa hindisahan soo saaray senetarka ismaamulka Elgeyo-Marakwet horayna u ahaa hoggaamiyihii aqlabiyadda ee aqalka sare Kipchumba Murkomen.

Waxyaabaha sharcigan ku qeexan waxaa ka mid ah in wakiilka deegaanka hoose ee ismaamulka uu xilkiisa ku wayn karo hadii uu habdhaqan aan wanaagsaneyn uu ku kaco isagoo ku sugan gudaha golaha ama dibadda.

Sido kale waxaa uu sharcigan qabanayaa hadii uu dastuurka dalka ku xadgudbo , inuu waajibaadkiisa gudan waayo ama lagu caddeeyo dambi ciqaabtiisu tahay ugu yaraan 6 bilood oo xabsi ah.

Guddoomiyaha dalladda golayaasha ismaamullada dalka ahna guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Nyandarua Wahome Ndegwa ayaa sharcigan ku tilmaamay mid takoor laga dheehan karo.

Waxaa uu xusay in maxkamadda ka dalbanayaan inay faahfaahiso sharcinimada qodobbada ku xusan xeerka la ansaxiyay.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.