Guddiga TSC oo macallimiinta ugu baaqay in ay qaataan tallaalka COVID19

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha dalka ee TSC Nancy Macharia ayaa dhammaan macallimiinta wadanka ku boorrisay in ay qaataan tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.

Mrs. Macharia ayaa shaacisay in ilaa iyo hadda tallaalka cudurka la siiyay macallimiin ay tiradoodu tahay 151,494.

Boqolkiiba 48.9 ee tiradan ayaa haween ah halka boqolkiiba 51 ay rag yihiin.

Waxay Nancy Macharia intaasi ku dartay in macallimiinta ay da’doodu tahay 58 sano iyo ka wayn ay badankoodu qaateen daawooyinka tallaalka.

Madaxa fulinta ee guddiga TSC ayaa dhanka kale sheegtay in ilaa iyo hadda ay cudurka u dhinteen 37 ka mid ah macallimiinta dugsiyada sare oo 24 ka mid ah ay maamulayaal yihiin.

Sidoo kale waxay shaacisay in guddiga adeegga macallimiinta uu barayaasha siinaya caymis caafimaad oo loogu talagalay xanuunka COVID19 iyo cudurrada kale.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.