Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal oo la kulmay Madaxweynaha Koofurgalbeed Laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan magaalada muqdisho ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Somaliya Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxmaan.

Labada Mas’uul ayaa qaatay kulan saacado dhowr ah socday oo ay iska xog wareysanayeen Xaalada Siyasadeed ee ka jirta Dalka sida Arrimaha Doorashooyinka,Amniga,iyo Dadaalada Hormarineed ee ay ku tilaabsatay Dowlada Koonfur Galbeed

Maxamed Mursal Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamanka Somaliya ayaa Madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid wuxuuna uu bogaadiyey Doorka uu ka qaadanayo shirka Wadatashiga Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.

Madaxweynaha Koofugalbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaasoo ka qeybgalaya kulan lagu wado inuu dhex maro Madaxweyne Farmaajo,madaxda dowlad goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.