Hoggaamiyaasha muslimiinta ee NAMLEF oo diyaar u ah dhexdhexaadinta Uhuru iyo Ruto

Guddoomiyaha daladda ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ee NAMLEF Sheekh Cabdullahi Cabdi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay heshiisiiyaan madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta iyo William Ruto .

Shir jaraaid oo ay maanta qabteen ayay mas’uuliyiinta daladdan ka sheegen in hoggaamiyaasha laga doonayo inay isku dulqaataan oo ayna tixgeliyaan danta guud ee dalka.

Sheekh Cabdullahi ayaa xusay in hadii xaaladda taagan ee khilaafka u dhexeya labada mas’uul ee ugu sarreya wadanka aan hadda wax laga qaban ay isku beddeli karto si aan wanaagsanayn.

Waxaa uu intaa ku daray in khilaafka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa uu gaaray heer aan horay loo arag oo kala qaybsanaan ka dhex abuuri karto dadweynaha.

Guddoomiyaha NAMLEF ayaa tilmaamay in xafiisyada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay tixgelin gaar ah ku leeyihiin dastuurka wadanka marka la eego waajibaadka saaran iyo kalsoonida ay shacabku ku qabaan.

Sheekh Cabdullahi oo farriin gaar ah u diray madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kula taliyay inuu qaranka u daneeyo .

Waxaa uu u sheegay in marka uu xilka wareejiyo aynan kenyaanka dani ka dhigan doonin cidda uu taageerayo balse inuu xafiiska baneeyay iyadoo dalka ay midnimo ka jirto.

NAMLEF ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto kula talisay inay ka heshiiyaan siyaasadda ay isku hayaan si aynan u waxyeeleyn midnimada shacabka.

Madmadowga siyaasadeed ee Uhuru iyo Ruto ayaa jiray tan iyo markii ay sanadkii 2018-kii heshiiyeen madaxweyne iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.