Ismaamulka Garissa oo xoojinaya falcelinta ka dhanka ah abaarta

Dowladda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay inay sare u qaadayso dadaallada iyo barnaamijyada lagula tacaalayo saameynta abaarta.

Barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa xusay inay kheyraadka badan u qoondeynayaan adeegyada biyaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshada xoolo dhaqatada ah ee ay saameysay abaarta ee ku nool dhammaan deegaan baarlamaneedyada Garissa loo fidin doono gargaar la xiriira nolol maalmeedka.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo warbixin uu soo saaray maamulka qaabilsan maareynta abaaraha ee (NDMA) uu sheegay in ismaamullada ay Garissa ka mid tahay ay ka jirto xaalad adag.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.