Kenya oo saadaalisay in kiisaska coronavirus ee maalinlaha ah ay kordhi karaan bilaha sideedaad iyo sagalaad

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa saadaalisay in bilaha sideedaad iyo sagalaad ee sannadkan ay sare u kici karaan kiisaska caabuqa corona ee maalin kasta la diiwaangeliyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Patrick Amoth ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.

Waxaa uu xusay in marka la gaaro August iyo September ay suurtagal tahay in maalin kasta gudaha wadanka laga xaqiijiyo 200 oo kiis.

Arrinkan ayuu sheegay galinkii dambe ee shalay xilli la shaaciyay in 24-kii saac ee la soo dhaafay gudaha dalka laga xaqiijiyay 80 kiis oo cusub.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.