Kenya oo sheegtay inaan weli dib loo dhigin imtixaannada qaran

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Kenya Prof. George Magoha ayaa  sheegay in dowladda dhexe aynan weli qaadanin go’aan dib loogu dhigaya xilliga la qabanaya imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah.

Waxaa uu sheegay in ardayda fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare ay xilliga loogu talagalay u fariisan doonaan imtixaannada KCPE-da iyo KCSE-da hadii uunan wax isbeddelin.

Sido kale dugsiyada dalka oo uu horay qorshuhu ahaa inay maanta dib u furmaan ayaa muddo hal bil oo dheeraad ah sii xirnaan doono.

Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in dadka la qabto habeenkii xilliga uu bandowga jiro lagu hayn doono meelo gaar ah.

Kenyaanka ku sugan meelaha kiisaska badan ee coronavirus laga soo tabiyay ayaa loogu baaqay inay u soo baxaan baaritaannada guud ee sida bilaashka ama lacagta la’aanta ah lagu sameeynaya.

Baaritaano laga sameeyay meelo ay xaafadda islii ka mid tahay ayaynan dad badan ka qeyb qaadan.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in bartilmaameedsigu uu ahaa in xaafadda Kawangware ee Nairobi lagu baaro 2000 oo qof balse waxaa isbaaray 803.

Xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji dowladda waxay qorsheynaysay in la baaro 3000 oo qof balse labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa lagu guulaystay in cudurka covid-19 laga baaro 494 oo qof.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.