Kenyaan badan oo shaqo la’aan ah iyadoo maanta la xusaya maalinka shaqaalaha adduunka

Waxay ku beegan tahay maalinka caalamka laga xuso maalinta shaqaalaha adduunka hasa ahaate Kenyaan badan ayaa saameynta ka dhalatay cudurka covid-19 awgeed ay shaqo la’aan ku dhacday.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 133,657 Kenyaan ah ay shaqo la’aan soo foodsaartay.

Qaar ka mid ah shirkadaha dalka ayaa bishii saddexaad ee sannadkan billaabay inay howlwadeenadooda dhimaan kaddib markii kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus lagu arkay gudaha wadanka.

Saameynta ugu badan waxay soo gaartay dadka ka shaqeynayay soo saaridda ubaxa oo 80,000 oo ka mid ah la tiray ama hadda ay ku maqanyihiin fasax iyadoo aan wax lacag ah la siinayn.

Hay’adda shaqaalaha dalka ee (FKE) ayaa ka digtay in xaaladda ay sii xumaan karto maadaama laga cabsi qabo in shaqaale dheeraad ah ay shaqooyinkooda waayaan toddobaadyada nagu soo aaddan .



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.