Kenyaanka ku sugan shiinaha o dib dalkooda loogu soo celinayo

Shirkada qaran ee diyaaradaha caalamiga ah dalka Kenya Airways ayaa la filayaa in manata ay dalka shiinaha ka soo daadgurayso kenyaanka halkaas ku xariyiran.

Safiirka dalka u fadhisa Shiinaha Sarah Serem ayaa sheegtay in maanta oo sabti ah in dalka shiinaha laga soo qaadi doono 161 kenyaan ah.

Sarah waxay sheegtay in wasaaradda arrimaha gudaha dalka iyo dowladda shiinaha ay saacadihii la soo dhaafay ka wada shaqeynayeen sidii kenyaanka loogu fududeyn lahaa in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Safiiradda Kenya u joogta Shinaha waxaa ay sheegtay in waqtigan ay haboon tahay in la garab istaago Kenyaanka dhibaatada dareemaysa.

Muwaadiniinta Kenyaanka ayaa bishii hore cabasho ka muujiyay joogitaanka dalka Shiinaha iyagoona sheegay in xadgudub lagu hayo.

Kuwa la filayo in dalka dib loogu soo celiyo waxaa ay badankoodu ku sugan yihiin magaalada Guangzhou



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.