Kooxaha beeralayda Garissa oo la maalgelinaya

Wasaaradda beeraha , xannaanada xoolaha iyo iskaashatada ee ismaamulka Garissa ayaa sheegtay in ugu yaraan 30 koox oo beeralay ah ay taageero dhaqaale heli doonaan.

Waxay ka faaiidaysanayaan barnaamij lagu garab istaago horumarka beeraha oo ay ka wada shaqeyaan dowladda dhexe iyo ismaamullada.

Wasiirka beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dowlad deegaanka Garissa Maxamad Shale ayaa maalgelinta ku tilmaamay mid aad muhiim u ah xilligii loo baahnaana ku soo beegantay.

Taageradan ayaa ku soo aadaysa iyadoo beeralayda Garissa ay saameyn ka soo gaartay daadad , Ayaxa iyo cudurka sii faafaya ee Covid-19 .

Mr. Shale ayaa xusay in si loo kobciyo wax soo saarka beeraha Garissa ay sannad kasta barnaamijka ASDSP11 ka faaiidayaan in ka badan 30 kooxood oo beeralay ah.

Wasiirka ayaa dhanka kale beeralayda soo saaro nyaanyada ama ka ganacsado caanaha geelaha iyo hilibka lo’ada ugu baaqay inay codsiyo soo gudbiyaan ka hor bisha sideedaad si loo ansaxiyo.

Mr. Shale ayaa sido kale sheegay in beeralayda ismaamulkaas ay saameyn ballaaran ka soo gaartay daadadkii ku dhuftay iyo Ayaxii ku degay qeybo badan oo wadanka ka mid ah.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.