KUPPET oo ku talinaysa in gabdhaha uurka qaado dugsi gaar ah loo furo

Ururka macallimiinta ee KUPPET ayaa soo jeediyay in dowladda ay qorsho u sameyso gabdhaha yaryar ee uurka qaaday iyagoo dugsiyada dhiganaya.

Xoghayaha guud ee ururkan Akelo Misori ayaa xusay in wasaaradda caafimaadka laga doonayo inay gabdhahan qaar ka mid ah hooyooyinka noqday ay u sameyso xarumo ay ku badbaadi karaan.

Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la doonayo in dib u habeyn lagu sameeyo dugsiyada si gabdhahan marka ay goobaha waxbarashada ku laabtaan aynan caqabado hor le hula kulmin.

Golaha qaran ee qaabilsan diiwaangelinta tirooyinka iyo horumarka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in tan iyo bishii saddexaad la uureeyay 20,828 gabdhood.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.