LSK oo ka soo horjeestay go’aan shalay maxkamadda ka soo baxay

Madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Mr.Nelson Havi ayaa dhaliilay go’aan ay shalay soo saartay maxkamadda Milimani ee magaaladatani Nairobi.

Maxkamadda ayaa mudanaha laga soo doortay deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma , John Waluke iyo Grace Wakhungu oo labaduba loo haysto fadeexad la xiriirta galeeyda ku xukuntay inay bixiyaan lacag dhan 550 milyan oo shilin ama hadii aysan awoodin la xirayo toddobo sano.

Fadeexadda oo ka dhalatay galeey la sheegay in lagu wareejiyay guddiga qaran ee keydinta dalagga ee (NCPB) ayaa la rumeysan yahay in lagu lunsaday 314 milyan oo shilin.

Garsooraha maxkmadda Milimani ayaa sheegay in dacwad oogayaasha ay u soo bandhigeen cadeymo aan shaki ku jirin.

Mr. Waluke ayaa ka badbaaday eedeymo ku saabsanaa inuu dokumeenti wax ka beddelay.

Xafiiska agaasimaha dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay qaadatay wax ka yar labo sano in kiiskan la soo gabagabeeyo.

Kiisaskan ayaa lagu sheegay mid ka mid ah kuwa ugu horeeyay ee uu ansaxiyay Nuurdiin Xaaji tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii afaraad ee sannadkii 2018-kii.

Mr.Waluke iyo Grace Wakhungu ayaa ka mid ah agaasimayaasha shirkadda Erad Suppliers .

Madaxa LSK , Nelson Havid ayaa dhankiisa sheegaya in go’aanka maxkamadda uunan ahayn mid habboon.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.