Madaweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay madasha Tallaalka aduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Tallaalka Aduunka 2020-ka, oo qaab fogaan arag ah ay u martigalisay Dowladda Ingiriiska, isla markaana uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Boris Johnson.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo in Soomaaliya ay qeyb ka tahay isbaheysiga arrinkaan ku howlan xiligaan oo aduunku la daalaa wuxuuna Tilmaamay inay tahay iskaashi ammaan mudan oo ah isbaheysi dowlado, hay’ado caalami ah, shirkado dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay, si ay u soo saaraan tallaal looga hortagayo cudurkaan Halista badan.

Madaxweynha ayaa sheegay inay Soomaaliya ku faraxsantahay inay qeyb ka tahay isbaheysigaan tallaalka si loo helo bulsho siman oo bad qabta iyo horumar waara oo ay helaan, kuwa ugu nugul ee adduunka hareerahiisa joogo, maadaama kahortaggu uu mar waliba ka wanaagsan yahay daweynta.

Madaxweynaha Soomaaliy ayaa Xusay inay taageerayaan dadaalka isbaheysiga tallaalka aduunku ay ugu jiraan inay diiradda saaraan dardargelinta in tallaal loo helo cudurka COVID-19, wuxuuna ku baaqay in tallaalka uu noqdo mid la heli karo, gaar ahaan inay heli karaan dadka aadka u nugul, kuwoa dhaqaalahoodu hooseeyo ee Saboolka ah Barakacayaasha iyo Qaxootiga iyo dadka ku nool wadamada ay ka jiraan dhibaatooyinka kala duwan.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.