Madax kala duwan oo ku sugan xarunta Bomas

Hoggamiyeyaasha iyo xubnaha bulshada ee ka kala yimid daafaha dalka ayaa isugu yimid xarunta Bomas ee magaalada Nairobi halkaas oo shaaca looga qaadaya warbixinta uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.

Tani ayaa timid iyadoo maalinki Arbacada ee toddobaadki hore madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta iyo hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga si rasmi ah loogu wareejiyay warbixinta labaad ee BBI xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Kisii.

Xaruta Bomas ayaa madaxda joogta ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenka madaxweynaha William Ruto kaas oo saluugsan warbixinta BBI.

Xulafada madaxweye ku xigeenka oo uu ka mid yahay senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa goobta ku sugneen.

Hoggamiyeyaal badan ayaa goobta ku sugan iyo qaar ka mid xubnaha bulshada iyada oo la isku dayay in la hirgeliyo tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee xakamaynta cudurka Covid-19.

Munaasabadda ayaa qorshuhu ahayd inay bilaawato 9.30 subaxnimo balse waxaa lagu riixay ilaa 11.15barqabinmo iyadoo la sugayay madaxweynaha dalka.

Waxaana haatan si toos looga daawanaya warbaahinta kala duwan ee wadanka.

Dhanka kale, hoggaamiyayaasha waxay muujinayeen aragtidooda ku aadan waxa ku jira warbixinta, iyagoo bixinaya sababaha ay u taageeraan ama uga soo horjeedaan.

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa taageeray warbixinta balse waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin soo jeedinta qodobaada qaar ee ku xusan BBI

Waxaa ayna sheegeen in ay tahay in wax laga beddelo ka hor inta aan la hirgelin.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.