Madaxa dambi baarista oo cadeeyay hadal uu dhawaan jeediyay oo lagu dhaliilay

Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI Mr. George Kinoti ayaa sheegay in si aan sax ahayn loo fasirtay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa rabshadihii dalka ka dhacay 13 sano ka hor xilligaas oo lagu murmay natiijada doorashadii guud ee 2007-dii.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa Kinoti ku eedeyay inuu wado bartilmaameedsi siyaasadeed.

Waxay sheegeen in go’aan uu qaatay oo ah in dib loo billaabo baaritaano la xiriira qalalaasihii dhacay uu dhibaatooyin dheeraad ah horseedi karo.

Hasa ahaate Mr. Kinoti ayaa hoosta ka xarriiqay inuusan sheegin in mar kale la furayo baaritaano la gabagabeeyay.

Waxaa uu caddeeyay inay baaritaano ku sameynayaan oo keliya eedeymo hor leh oo soo baxay.

Waxaa uu madaxa waaxda DCI sheegay inay jiraan shakhsiyaad la ogyahay inay dhibaatooyinkaas ka dambeeyeen oo maxkamadda la soo taagi doono.

Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ee gobolka Rift Valley iyo dhibanayaashii qalalaasihii dalka ka dhacay dhammaadkii sannadkii 2007-dii iyo horraantii 2008-dii aya dhaliileen Mr. George Kinoti.

Barasaabka ismaamulka Uasin Gishu, Jackson Mandago ayaa arrinkan ku tilmaamay mid aan loo baahneyn oo dano siyaaaadeed laga leeyahay.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shacabka ay ka gudbeen wixii dhacay oo ayna is cafiyeen .

Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah dadkii ay xilligaas rabshaduhu saameeyeen ay dalbanayaan magdhow.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.