Madaxii hore ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya Augustine Mahiga oo Tanzania ku geeriyooday

Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga Tanzanja Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday caasimadda waddankaasi ee Dodoma, aroortii hore ee saaka ayaa waxaa kusoo booday xanuun oo uu geeriyooday sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda.

Danjire Mahiga ayaa waxa uu ahaa diblumaasi muddo dheer soo shaqeeyay, waxa uuna mar soo maamulay xafiiska Qaramada midoobe ee Soomaaliya xilligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxa aad loogu xusuustaa kaalintii uu kulahaa shirkii heshiiskii Kampala ee uu xilkii ra’isul wasaaranimo uga tegay madaxweynaha hadda xilka hayo ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waayadii dembe wuxuu ahaa wasiir aad uga muuqanayay warbaahinta,  waxa uuna ka hadli jiray arrimaha dalkiisa Tanzania.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.