Madaxweynaha dalka Kenya oo amray in baaritaano lagu sameeyo dab ka kacay suuqa Gikomba

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ciidamada booliska ku amray inay baaraan sababta keentay in xalay abaare 2-dii habeenimo uu dab ka kaco suuqa Gikomba ee magaaladatani Nairobi.

Hoggaamiyaha wadanka ayaa xusay in dhacdadan ay saameyn ku yeelatay ganacsato badan sidaas awgeedna ay khasab tahay in xaqiiqda la ogaado.

Mr. Kenyatta ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu dib u dhisi doono suuqa qeyb ka mid ah ay gubatay halka sido kalena la caawin doono ganacsatada ay dhacdadan sida gaarka ah u saameysay.

Mid ka mid ah ganacsatada suuqa Gikomba ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dabka isagoo dhanka kale baaq u diray dowladda iyo ganacsatada kale

Xildhibaanka deegaanka Kamukunji Yuusuf Xasan Cabdi ayaa sheegay in dhibaatadan ay soo noqoqotay sidaas awgeedna la doonayo in la ogaado sababta rasmiga ee ka dambeysa

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa isna xusay inay guda galayaan baaritaano ku aaddan dabka khasaaraha dhaliyay

Waa markii labaad sannadkan gudihiisa oo dhacdadan mid la mid ah la soo tabiyo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dabka uu abaare 2-dii habeenimo ee xalay ka billowday qeybta bakhaarrada.

Saraakiisha waaxda dab damiska ee Nairobi ayaa ku guulaystay inay xakameyaan.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee keentay in suuqa uu gubto waxayna ahayd bishii lixaad ee sannadkii 2018-kii markii ugu yaraan 15 qof ay dhinteen halka in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen dab xilli habeen ah qabsaday suuqa Gikomba.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.