Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday taageeridda ganacsiyada yaryar

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay in gudaha Kenya uu ka jiro jawi ku habboon ganacsiga.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in taageero ku filan la siinaya ganacsiyada yayar si ay shaqo abuur ugu sameyaan dhallinyarada

Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin canshuurta laga qaado ganacsatada xita iyadoo ay jirto saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka COVID-19.

Xilli uu ku sugnaa xarunta qaran ee xamuulka badeecooyinka ee (NCDC ee Nairobi ayuu hoggaamiyaha wadanka siyaasiyiinta kaga digay inay dadweynaha kala qaybiyaan.

Waxaa uu shaaciyay in marnaba uunan diyaar u ahayn in talada dalka uu ku wareejiyo madax shacabka kala qaybinaya sidoo kalena lunsanaya kheyraadka loogu adeego bulshada.

Mr. Kenyatta oo sheegay inuu ka warqabo in muddo xileedkiisu uu dhammaanaya sanadka soo socdo ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya ismaamulka Nairobi ku nuuxnuuxsaday in qorshaha sharci beddelka ee BBI laga faa’iidayo waxyaabo badan.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.