Madaxweynaha Puntland oo safar ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Mashaariic xarigga laga jaray

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho ku maraya degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa booqday degmooyinka Golgodob, Buursaalax iyo deegaanada Saaxo, Buursaalax iyo Daarasalama.

Intii uu booqashada ku marayay deegaanadaas ayuu Madaxweynuhu kala kulmay soo dhoweyn heerkeedu sarreysay oo qeybaha kala duwan bulshada iyo maamulka deegaanka u sameeyeen.

Madaxweyne Deni ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanada uu booqday, waxaana ka mid ahaa xarunta MCH xarunta MCH Daarasalaam.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xarigana ka jaray MCH-ka degmada Galdogob.

Waxaa uu kalloo dhagax dhigay Maxjarka Xoolaha ee deegaanka Daarasalaam, oo noqonaya xarun lagu xanaaneeyo oo lagu hayo Xoolaha iyo xarunta Farsamada gacanta iyo Guriga Odayada ee degmada Galdogob, isagoo kormeeray dhismaha xarunta degmada.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Kastamka Daarasalaam oo ah Bar-xuduudeedka Puntland iyo Ethiopia ee deegaankaasi iyo Saldhiga Daarasalaam.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa dhulka uu ku maray deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud uu ahaa midkii ugu dheeraa dhulka ah, waxaana uu bishii hore safar dhulka ah uu ka soo bilaabay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaasoo uga qeyb galay shirkii DFS iyo Dowlad Goboleedyada.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.