Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay heshiiska Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta mucaaradsanaa

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo golaha isbedeldoonka.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay heshiiskaan inuu kusoo beegmay waqtigii ugu muhiimsanaa, isagoona dhinacyada uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen.

Madaxweynaha Puntland wuxuu dowladda federalka ugu baaqay inay soo dhoweyso heshiiskaan kana faa’idaysato isku duubnimada dowlad goboleedyada.

Deni wuxuu sheegay waqtigaan adag oo uu dalku la daalaadhacayo dhibaatooyin isbiirsaday inaanu xamili karin khilaaf sii jiitama.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.