Madaxweynihii hore Barcelona ee Joan Gaspart oo si xoogan u dhaleeceeyay Xiriirka Kubadda Cagta Spain

Madaxweynihii hore kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Gaspart ayaa ku eedeeyay Xiriirka Kubadda Cagta Spain inay doorbidayaan Real Madrid, sababa la xiriira go’aan ka gaarista horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Xiriirka Kubadda Cagta Spain ayaan go’aaminin in Barcelona loo caleemo saaro horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, kaddib markii tartanka loo joojiyay sababa la xiriira faafitaanka COVID-19, iyadoo Blaugrana ay labo dhibcood kaga hogaamineyso miiska kala sareynta Los Blancos oo booska labaad fadhida.

Hadaba Madaxweynihii hore kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Gaspart ayaa wareysi uu bixiyay waxaa shaaca ka qaaday wargeyska “AS” ee dalka Spain, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Haddii Real Madrid ay hogaamin laheyd miiska kala sareynta La Liga kahor inta aan loo joojin sababa la xiriira Coronavirus, go’aanka la soo saaro wuxuu noqon lahaa in la soo afjaro xilli ciyaareedka horyaalka Spain” ayuu yiri Joan Gaspart.

Intaas kaddib Madaxweynihii hore kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Gaspart ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinaya Barca inay dib ula soo saxiixaneyso Neymar Jr wuxuuna yiri:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan mar labaad ku arko Barcelona, waxaan u maleynayaa inuu wali wax ku biirin karo kooxda”.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.