Muhimadda ay leedahay in Afrika ay qeyb ka noqoto tijaabada talaalka Korona

Waxaa jira sheekooyin dhawr ah oo cabsi ah oo la xiriira in tijaabooyinka tallaalka fayraska korona lagu sameeyo dadka ku sugan Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, saynisyahannada ayaa sheegaya inay muhiim tahay in Afrikaanku ay ka qayb qaataan tijaabooyinkan, iyagoo ku doodaya inay xagal daacin karto dadaallada lagu doonayo in lagu helo tallaal ka shaqeeya guud ahaan aduunka- oo aan u gaar aheyn dalalka hodonka ah.

Bishii Maarso, Tedros Adhanom Ghebreyesus, madaxa hay’adda caafimaadka aduunka (WHO), ayaa ku dhawaaqay “Tallaal mideysan” oo aduunku u helo balanqaadyada dawo Covid19, cudurka asiiba neefmareenka ee uu sababo fayraska Karona.

Maaddaamma aan la helin daawo illaa iyo hadda, tallaal shaqeyn kara wuxuu door weyn ka qaadan lahaa ka hortagga iyo xakameynta cudurka, ayay leedahay WHO.

Tallaalka habka difaaca jirka ee dadka wuxuu bari lahaa in uu la dagaalamo fayraska si uu uga hortago inay bukoodaan.

Sidee u shaqeyaa tallaalku?

Wuxuu ka caawiyaa inuu dhismo dhifaacu isagoo iska dhigaya caabuqa

Inuu ka caawiyo difaaca jirka in uu aqoonsado iyaga [caabuqa] uuna barto lana dagaalamo

Haddii ay noqoto in jirku uu soo galo mid rasmi ah, horey ayuu u ogsoonaa wuuna yaqaan waxa uu sameynayo

Tallaalku caadiyan wuxuu qaataa in la soo saaro sannado ama labataan sano

Tallaalka Covid-19 wuxuu ogolaanayaa in xayiraadaha la qaado si nabadgalyo ah, isla markaana laga nasto nidaamka kala dheeraanshaha bulshada Illaa iyo hadda tijaabada hal tallaal ayaa ka bilowday Koonfur Afrika – mid kalena ogolaanshihiisa ayaa laga filayaa Kenya.

Balse arintan waxaa hareeysay dood.

Inkastoo doodda mucaaradka ku ah nooc kasta oo ka mid ah talaallada ayaan aheyn wax cusub, doodda hadda ka taagan Afrika waxay ku saleysan tahay isir-kala sooc.

‘Maskax guumaysi’

Waxaa dhaliyey laba dhakhtar oo Faransiis ah oo ka wadaxaajoonayey tijaabo laga sameeyo Yurub iyo Australia iyagoo eegaya bal in tallaalka qaaxada uu wax ku ool u yahay ka hortagga fayraska corona.

Intii lagu jiray dood Telefishin, labada nin ayaa isku raacay in sidoo kale lagu tijaabiyo Afrika, mid ka mid ah ayaa yiri “Haddiiba aan noqon karo faduullow, miyaanay aheyn in cilmibaaristan aan ku sameyno Afrika, halkaasi oo aanay laga xiran gafuur xir, ayna ka jirto daawo la’aan iyo xayiraad la’aan”.

“Waa wax laga yaqyaqsado in la maqo qarnigan 21-aad, lagana maqlo saynisyahano hadal caynkaasi ah” ayuu yiri Dr Tedros, oo Itoobiyaan ah.

“Waxaan ku cambaareynaynaa sida ugu adag ereyada ugu adag ee suurtagalka ah, waxaanna kuu xaqiijineynaa inaysan taasi dhici doonin waa dib u soo celinta maskax guumaysiga waa inay joogsataa” ayuu yiri.

Si aan la yaab laheyn dad caan ah oo Afrikaan ah ayaa codkooda ku biiriyey caradaas, waxaa ka mid ahaa ciyaaryahannadii hore Didier Drogba iyo Samuel Eto’o, kuwaasi oo labadooduba la kulmay hadalo cunsuriyad midabka ku saleysan iyagoo garoomada ka ciyaaraha ama aan ciyaaran intii ay Yurub ka ciyaari jireen.

“Ha u qaadan dadka Afrikaanka ah sida inay yihiin bakayle bini’aadam ah! Dhab ahaantii waa yaqyaqsi” Drogba ayaa sidaasi ku qoray bartiisa twitter-ka.

Carada noocan oo kale ah ayaa si fiican faaqiday maaddaamma loo diiwaangeliyay in cunsuriyadda iyo takoorka dhaqaale ay ka jiraan daryeelka caafimaadka.

Waxaa jirta caddeyn ah in shirkadaha daawooyinka ay tijaabooyin ka sameeyeen qaybo ka mid ah Afrika, iyadoon tixgalin la siin ama xitaa wax yar oo tixgalin ah nolasha bini’aadamka.

Bixinta magdhow

Sanadkii 1996-kii gobolka Kano ee waqooyiga beri ee Nayjeeria shirkada Pfizer ayaa ka sameysay tijaabadii daawo ee caanka ahe

Dagaal dheer oo sharci ayaa ka dhashay taasi oo horseeday in shirkadda weyn ee daawooyinka ay siisay magdhow qaar ka amid ah waalidiinta caruurtii ka qayb qaadatay tijaabadii tallaalka intii lagu jiray faafitaankii cudurkii gowracatada.

Kow iyo toban caruur ah ayaa dhintay halka tobonnaan kale ay naafo noqdeen ka dib markii la siiyey tijaabooyin antibiotic ah.

Waxay dhalisay su’aalo adag oo ku gaddaaman ogolaanshaha iyo in laga helay waalidiinta.

Muddo ka badan labaatan sano, saynisyahanada sida cilmibaaraha reer Ugandha Catherine Kyobutungi ayaa leh xaaladuhu waa ay isbadaleen hawshuna waa mid adag oo hufan.

“Waxaa jira illaalin gaaraysa heer shakhsi” ayey tiri Dr Kyobutungi, madaxa xarunta cilmibaarista iyo bulshada Afrika (APHRC), oo BBC la hadley.

“Haddii aad tahay saynisyahan ku lug leh soo saarista tallaal, ma doonaysid in tallaalkaagu uu noqdo mid sanado yar ka dib dadku u dhimanaayaan”

“Sidaasi darteed dadku waxay sumcad ku leeyihiin hawsha, dadku waxay aad u maalgaliyeen mustaqbalkooda” ayey tiri Dr Kyobutungi,

Waxay sheegtay inay hadda jiraan ilaalin heer qaran iyo mid urur ah, dalalkuna ay leeyihiin hay’ado sharci sida kan Ugandha ee golaha qaran ee sayniska iyo teknalojiyada (UNCST).

Ma sameyn kartid tijaabooyinka tallaalka adigoon helin oggolaanshaha lagu ogaanayo in dhammaan nidaamka saxda ah ee badbaadada la raacay.

Richard Mihigo, oo dusha kala socda tallaalida iyo horumarinta tallaalka WHO ee qaaradda Afrika, ayaa ku raacay taasi oo wuxuu leeyahay

“Nidaamka dhexdiisa waxaa jira ilaalin iyo dhiirigalino aan suurtagal ka dhigeyn in Afrikaanka lagu tijaabiyo waxyaabaha aan caafimaadkoodu wanaagsaneyn”

Kuwa sameynaya daraasadda ayaan loo ogoleyn inay ku lug yeeshaan suuqgeynta iyo wax soo saarka nooc kasta oo ka mid ah daawada ama tallaalka, ayuu yiri Richard Mihigo,

‘Been abuurka’

Damaanad qaadyada noocan ah waxaa badanaa jahwareer ku sameeya wararka been abuurka ah ee baraha bulshada oo ay ka mid yihiin sheegashooyinka aan saxda aheyn ee ah jiritaanka shirqool lagu fulinayo tallaal lagu sameyno dadka madow ujeedaduna tahay in la laayo.

Tusaale ahaan, sheeko been abuur ah oo ku saabsan todobo carruur ah oo ku dhinatay Senegal ka dib markii la siiyey tallaalka Covid-19 ayaa buuq ka dhaliyey Facebook.

Waxay bilaabatay in ay faafto horaantii bishii April, isla xilligaas oo ay aheyd markii uu soo baxay hadalka muranka dhaliyey ee ka soo yeeray dhakhaatiirta Faransiiska, taasi oo sheekada been abuurka ah ka dhigtay in ay xoogeysato.

WHO ayaa ku tilmaamtay faafitaanka macluumaadka been abuurka ah “mid khaldan”, oo ay tahay in feejignaan culus laga qaato.

Tobaneeyo sano oo maalgalin la’aan ah

Laakiin waxa aan si qoto dheer dareen sanooyin badan loo siin ayaa ah nidaamka caafimaadka Afrika.

Inkastoo ay balanqaadeen 2001-dii madaxda Afrika in ay ku bixiyaan 15% miisaaniyadda sanadlaha horumarinta adeegyada caafimaadka.

Ilaa iyo hadda yoolkaasi waxaa laga gaaray 5 ka mid ah 54 wadan ee Afrika – kuwaasi oo leh dib u eegis la xiriirta cilmibaarista sayniska.

Afrika waxay leedahay khubaro aad u tiro badan, laakiin saynisyahanada badiyaa waxay shaqo u aadaan meel kale sababta oo ah maalgashi la’aanta – taasoo la macno ah in cilmi baaris ku saabsan dhaq dhaqaaqa Afrika ee arrimaha caafimaadka aan inta badan wax laga qaban.

Kuwa sii joogaana way ku adag tahay inay abaabulaan iskaashi, maaddaama ay kafaala-qaadayaan waddammo leh kaabayaal caafimaad oo la isku halleyn karo, taasoo la micno ah in tijaabooyinka intooda badan lagu sameeyo Masar iyo Koonfur Afrika.Sidoo kale daawooyin badan oo shati leh ayaa ka soo baxay tijaabooyin caafimaad oo lagu sameeyay waddamada qaniga ah, ee Waqooyiga Ameerika iyo Yurub, taasi oo la dhigan in ku habboonaantooda adeegsiga ee Afrika aan laga fiirsan.

Bariga Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe sidoo kale marar dhif ah ayey lug ku leeyihiin tijaabooyinka – in kasta oo tirooyinka ay si aad u yar u kordheen labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Afrika oo qatar ugu jirta ‘go’doon’

Khubaradu waxay isku raaceen in si wax looga qabto cudurkan faafa, isla markaana tallaal kasta oo Covid-19 waa inuu ku shaqeeyaa adduunka oo dhan.

Waxay leeyihiin haddii qaaradda lafteeda ay ka fogaato tijaabooyinka, waxay sii jiri doontaa ka qayb noqosho la’aanta.

Dr Kyobutungi waxay tiri “ma ahan in tallaalka lagu tijaabiyo UK tusaale ahaan kadibna la keeno Afrika maxaa yeelay waxaan leenahay duruufo kala duwan, kala duwanaan hidda-sidayaasha ah taas oo saameyn ku yeelan kara sida tallaalku u shaqeeyo,”

“Waxaa laga yaabaa inaynu leenahay noocyo kala duwan; waxaan leenahay sidoo kale macluumaad kale oo cudur ah. Tusaale ahaan, waxaan leenahay dad aad u tiro badan oo qaba HIV.” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Laakiin walaaca ugu weyn ee Afrika ay qabto ayaa ah in gooni loo bixiyo si kasta oo ay xaaladu noqoto, sababtoo ah qaaradu mar horeba dhibaatooyin ayaa ka haystay marka ay timaado in la sameeyo baaritaanada fayraska korona maaddaamma “wadamadu ay dib uga laabteen inay horey u socdaan, isla markaana si xun u isticmaalayaan agabkooda”

“Sidaasi darteed halista ugu weyn ee Afrika wajaheyso waa in tallaalku halkaas ka jiro oo waddamada hodanka ahna ay iibsadaan dhammaantood mana jiraan wax u haray Afrikaanka,” ayay tiri Dr Kyobutungi.

Iyadoo tijaaboohinku ay aduunka ka socdaan, hogaamiyeyaasha caalamka, iyo qubarada ayaa qoray waraaq furan oo ay ku baaqayaan “tallaal dadka oo dhan”

Cyril Ramaphosa, madaxweynaha Koonfur Afrika ahna gudoomiyaha ururka midowga Afrika ayaa laga soo xirgtay isagoo waraaqda ku leh in qaaradu ay doonaysay tallaal “rasmi ah oo bilaash, deg deg loo sameeyo, looguna qaybiyo si lacag la’aan ah dadka oo dhan”.

“Cidna waa inaan dib looga riixin safka ay ugu jiraan tallaalka, sababta oo ah meesha ay ku nool yihiin ama waxa ay kasbadaan,” ayuu yiri Ramaphosa.

0 0 vote
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.