NCIC oo ka digtay in la qabyaaladeeyo qaybsiga dakhliga

Guddiga qaran ee mideynta iyo isdhexgalka shacabka ee NCIC ayaa shacabka iyo siyaasiyiinta dalka uga digay inay qabyaalad u rogaan hannaanka lagu qaybsanayo dhaqaalaha wadanka .
Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee NCIC Wambui Nyutu ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in Kenyaanka ay arrinkan ka doodaan iyadoo aan wax loo dhimin midnimada.
Mrs. Wambui ayaa hoosta ka xarriiqday in madaxda siyaasadeed ay jeedinayeen hadalo sababi karo kicin dadweyne.
Waxay carrabka ku adkeysay in qof kasta oo Kenyaan ah uu xaq u leeyahay helidda kheyraadka qaran oo aynan habooneyn in cidna ay iska dhaadhiciso inay dadka kale ka xuquuq sarreyso.
Haweeneydan ayaa sheegtay in ujeedka laga leeyahay nidaamka ay tahay in ismaamullada ay si siman u qaybsadaan dhaqaalaha.

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.