Paulo Dybala oo markii afaraad laga helay Coronavirus muddo lix todobaad gudahood ah

Sida wararku ay sheegayaa ciyaaryahan Dybala ayaa laga helay caabuqa coronavirus markii afaraad muddo lix todobaad gudahood ah.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in laga dayrinayo xaaladda caafimaad ee laacibkan, kaddib markii Paulo Dybala laga helay coronavirus afar jeer muddo lix isbuuc ah gudahood.

Weeraryahanka kooxda Juventus ayaa 21-kii Maarso la xaqiijiyay in isaga iyo saaxiibtiis Oriana Sabatini uu ku dhacay COVID-19 kaddib tijaabadii ugu horreysay ee cudurkan.

Barnaamijka El Chiringuito ee lagu soo bandhigo xogta xaasaasiga ee ciyaaraha dunida oo si gaar ahna diiradda loogu saaro Spain ayaa lagu baahiyey in Dybala uu saddex jeer oo dambe uu xanuunkani ku dhacay taasoo ka dhigan in markii afaraad laga helay caabuqan, kaddib markii uu ka soo kabtay midkii ugu horreeyey ee uu u jiifay ku dhowaad labo todobaad.

Dybala wuxuu ahaa mid ka mid ah saddex xiddig oo Juve ah oo uu ku dhacay Coronavirus kaddib markii la xaqiijiyey kiisaska Daniele Rugani iyo Blaise Matuidi.

Illaa iyo hadda arrintan kama hadlin kooxdiisa Juventus, iyadoo la soo warinayo in laga dayrinayo xaaladda caafimaad xiddigan xulka qaranka Argentina ee Dybala.



This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.