Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo maanta imaanaya Kenya

Waxaa maanta safar rasmi ah dalka ku imaanaya ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Dr. Abiy Axmad.

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Dr. Abiy ku soo dhaweyn doono magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Kenya ku sugnaan doono labo cisho sida ay sheegtay afhayeenka madaxtooyada dalka Kanze Dena Mararo.

Qoraal 7-dii bishan ka soo baxay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu sheegay in Abiy iyo Uhuru ay kormeer ku tagayaan kaddibna furi doonaan xarunta qaabilsan arrimaha xadka Kenya iyo Itoobiya ee (OSBP).

Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in maanta ay labadan mas’uul tagaan ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta.

Waxay si wadajir ah indhaindhayn ugu sameyn doonaan dhismaha dekadda Lamu ee qaybta ka ah mashruuca marinka weyn ee isku xiraya Lamu -Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya ee loo yaqaano (LAPSSET)

0 0 votes
Article Rating


Subscribe
Notify of
guest
0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x
This website uses cookies and asks your personal data to enhance your browsing experience.