Maxay Diinta Islaamka ka Qabtaa Burcad Badeednimada ?

Shiikh Cumar Xerow “ Burcad Badeeda in lala Macaamilaa ma Banaana” Waxaa noo suurta gashey nin aan wareysano Shiikh Cumar Maxamuud Wardheere (Shiiikh Cumar Xerow ) oo ka mid ah Culimada waa weyn ee sida weyn looga yaqaan Magalada Muqdisho waxaana  wax ka weydiiney waxa ay diinta Islaamka ka qabto Burcad Badeednimada waxaana uu Wareysigii u dhacay Sidatan: Su’aal: Qaadicu Dariiqa  Diinta  Islaamka Tilmaantey maxay kaga duwan tahay Burcad Badeednimada ? jawaab: Burcadda Badda ha joogto, Dhulka ha joogto  ama Cirka ha joogto , Magaca Burcadda ayaa kulminaya , waxay kaga duwan tahay ma jirto Fii Shareeca Islaamiyah, intaba waxay wadaagaan Dadka Musaafiriinta,  Dariiq ha maraan , ama Bad ha maraan ama Cir ha Maraane  ama Beri ha maraan  ayey waxay ku yihiin Caqabad  Dariiqooda, qof walba oo  dad meel maraya hor istaagana waxaa uu qaadanayaa magaca Burcadnimada ah , marka Burcada iyo Burcad Badeeddu waa isku mid , haba kala duwanaadaane qaabka ay aduunka ula macaamilaane , laakiin islaaamku Ficilkaa Burcadnimadaa , Burcadu waa  isku Burcad. Suaal:: La Macaamilka Qofka Burcad Badeeda maxay Diinta ka qabtaa ? Jawaab:

Masaajida Iyo Godobtuu Ka Galey Ina Godane.

Masaajidda waa Guryaha Allaah, waa meel cibaado oo ay Muslimiinta ku guttaan shanta salaadood ee waajibka ah,

waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha diinta, Caqiidada, Shareecada, Taariikhda Islaamka iwm.

Mashruucii ugu horeeyey uu Nabigeenii suubanaa (Nabad-gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaato) uu sameeyey markuu u soo hijroodey Madiina waxuu ahaa dhisid Masjid, iyo Muslimiinta uu walaaleeyo, Muhaajiriin iyo Ansaar. Masaajidku wuxuu ahaa goobta diinta laga fidiyo, xarunta iyo taliska ciidamada , Maxkamada dadka lagu kala xukumo, xarun zakada lagu qeybiyo iyo weiliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah.

Qabuura Faagista Shabaab Iyo Qaaya Tirista Diinta.

Urururka Shabaab oo lagu yiqiin afkaar badan oo ay la yaabeen culimo iyo caamo badan ayaa lasoo if baxay habdhaqan hor leh oo in badan ku riday afkii baa juuqda gabay. Horey ayaa wixii lagu yiqiinay waxaa  ugu darnayd dhiig xalaalaysiga muslimiinta ama shacabka Soomaaliyeed oo qaarna murtad ku sheegeen qaarna dhibka kasoo gaara qaraxyada iyo dagaalkooda ku sheegaan in niyadooda lagu soo bixi doono iyadoo marar badan aan wax ka garaabis ama hakin  ah aysan ka samayn falalka ay in badan oo shacabka wax kasoo gaaraan oo dhimashadu ugu daran tahay. Shabaab waxay ku doodeen in culimadani la caabudi jiray sidaa darteedna ay qaadeen tallaabo ay ku faagayaan qabuurtooda lafahoodana ay iyaga oo qura uun ogaanayaan halka ay ku danbeeyeen si loo cirib tiro waxa ay ku sheegeen sanamyo ama wax ay dadku caabudi jireen!!

Dabin Muslim Mise Dar Muslim.

Allaah ayaa mahad dhamaanteed iska leh, N.N. ha ahaato Nabeeganna scw korkiisa, Intaas kadib: Dadku waa laba qeybood marka laga eego daacadnimada iyo dibindaabada, waxayna kala yihiin: 1)       Dabin Muslim          Iyo: 2)        Dar Muslim. Dabin Muslim:  Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudu ku garan karin.   Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi

Suarez Oo Camp Nou Cagta Saaray Iyo Barcelona Oo Guul Ku Soo Dhawaysay.

Luis Suarez ayaa markii ugu horaysay ka soo xaadiray garoonka Camp Nou tan iyo markii uu kooxda Barcelona xagaagan uga soo wareegay dhinacaa iyo kooxda Liverpool. Suarez ayaa kulankii Barcelona iyo Leon ku bilawday kursiga kaydka wuxuuna badal ciyaarta ku soo galay daqiiqadii 77aad. Inkasta oo uu Suarez Barcelona ka maqnaandoona laba bilaado si uu u soo dhamaysto ganaaxa FIFA ku riday hadana wuxuu  Suarez arkay, dhadhamiyay oo uu dareemay micnaha iyo xamaasada ay leedahay in Camp Nou lagu ciyaaraa. Jamaahiirta Barcelona ayaa si waali ah u soo dhawaysay laacibkan ree Uruguay ee Luis Suarez. Suarez ayaa ganaaxiisa soo dhamaysan doona 25 October.

Chelsea Oo Guul Raaxoleh Ku Bilaabatay Horyaalka Ingiriiska.

Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ku bilawday guul ay u qalmeen kadib ciyaar ay iskaga horyimaadeen kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Burnley. Chelsea ayay guushu ku raacday 3:1. saddex gool oo ay qaybtii hore dhalisay ayaa Chelsea ka saacdiay inuay saddexda dhibcood ka soo qaadato Burnley. saddexda gool ayay Chelsea u kala dhaliyeen Costa, Schurrle iyo Ivanovic. Kulankan  dhex maray kooxaha Burnley iyo Chelsea ayaa ahaa mid wax yaabo  badan kaga duwan kulamda kale horyaalka, waxaana tusaale  ahaan weerar yahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa uu 10,67 jeer ka qaalisanaa weerar yahanka dhigiisa ah ee kooxda Burnley Micael Duff wwerarka uga ciyaarayay.dhanaca Chelsea ayaa ku soo gashay line Maqaal : Waxyaabaha Qofka Xarmaday Xajka Ka Xaaraanta Ah.

Qofka  xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu xidho maryo tolan ama godaysan sida surwaal IWM. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu madaxa raggu daboolo iyo in dumarku wajiga daboolaan. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu timaha feedho ama shanlaysto ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah  inuu timaha xiiro inta uu xajka dhamaysanayo. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu ciddiyaha iska guro inta xajku u dhamaanayo. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu cadar ama barafuun is mariyo ama wax kale oo udgoon. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu dilo xayawaanka xajka jooga ee barriga ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu naag mehersado ama naagi nin mehersato ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu xaaskiisa u galmoodo ama naag kaleba. ·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu taataabto ama salaaxo ama sikale u xoodaamiyo naagtiisa ama naag kale. Dhammaan arrimahaas qofku hadduu sameeyo inta uu xajka gudanayo waxaa ku waajibaya hadyo ama neef inuu xajka ku qalo,laakiin nikaaxa ama meherka xajka lagu  sameeyo ma xidhmayo ama ma ansaxayo.Gudashadii xajkana arrimahaasi kaa burin maayaan ama kaa jabin maayaan xajkii aad gudanaysay marka laga reebo jimaaca ama xaaska oo aad u galmootay arrintaasu xajkii waa jabinaysaa hadday dhacdo.Laakiin qofka xajka gudanayaa xataa haddii uu xajku ka jabo ama fasahaado ,ama uu arrimahan kor ku xusan sameeyo xajka ka biximaayo ee wuu sii wadanayaa gudashadii xajka. Qofka xajka gudanaya ee uu dhaafo istaaggii carrafa ,xajka wuu ka baxayaa gudashadiisii oo wuxuu u leexanayaa gudashadii cimrada ,hadhowna waxaa ku waajib ah inuu xajkii dib u soo qalleeyo waliba hadyana wuu bixinayaa ama neefkii.Qofkiise ka taga rugni arkaanta kale ka mid ah ka biximaayo gudashadii camalka xajka ee wuu sii wadanayaa ,hadhowna wuxuu la imanayaa rugnigii uu ka tagay. Qofkiise ka taga hal waajib oo ka mid ah waajibaadkii xajka ,waxaa ku waajibaya inuu dhiig daadiyo oo neef qalo,qofkiise ka taga shay sunne ah waxba ku waajibimaayaan waxna u dhimi mayso xajkiisii.

Adaabta Salaada Ciida Ee Diinta Islaamka Sheegtay.

HORUDHAC Waxaa la wada ogsoon yahay ummad walba waxay leedahay ciido u gaar ah iyo meelo gaar oo ay weyneeyaan. Annagu haddaan Muslimiin nahay waaxaan leenahay labo ciidood oo kaliya. Kuwaasoo kala ah 1. Ciidda Soonfur 2. Ciidda Carafo .Waxaa kaloo jira ciidda todobaadka oo ah malinta Jimcaha. Anas Ibnu Maalik Allah ha ka raali noqdee wuxuu yiri: "Markii Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahatee Madina u soo hijrooday waxaa jiray, labo maalmood oo la xurmayn jiray kuwaasoo ahaa labo maalmood oo jaahiligii sifiican loo cayaari jiray. Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee marku ogaaday labadaas malmood inay ciyaari jireen oo farxii jireen, wuxuu u shegay in Allah ugu baddalalay labo maalmood oo ka khayr badan oo kala ah: Ciidul-Fitri iyo Ciidul -Adxaa. ADAABTA SALAADDA CIIDA Dad badan ayaa iska fududaysta Salaadda Ciidda ayagoo ku andacoonaya inay sunno tahay! . Laakiin arrinkaas sax ma aha, maxaa yeelay culumada Islaamka qaar ka min ah waxay qabaan iyagoo daliil iyo xujo haysta in Salaadda Ciiddu ay waajib tahay. Culumadaas waxaa ka mid ah: Imaan Abuu-Xaniifa, Shiikhul Islaam Ibnu Teymiya, Imaam Shawkaani, Shiikh Albaani iyo kuwo kaleba. Imaam Shawkaani wuxuu yiri: "Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee weligiis kama tegin Salaadda Ciidda, wuxuu amray dadka inay Salaadda u baxaan. Wuxuu Nabigu Nabad galyo iyo Naxaarisi dushiisa ha ahaate amray in haweenka guryaha laga soo saaro xataa kuwa caadada qaba iyo in kuwa maqabiyooyinka ahba si ay kharyrka iyo weyneynta Ciidda ula wadaagaan dadka kale. Haweeneydii aan xijaab heli karin Nabigu Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee wuxuu amray in ay saaxiibteeda ka amaahato. Arrimahaas oo dhami waxay caddaynayaan in Salaadda Ciidu waajib tahay. Waxaa kaloo culumadu waajibnimada Salaadda Ciidda ay daliil ka dhigteen in haddii Ciidda ay ku soo beeganto maalin Jimce ah, Salaadda Jimcaha waxay noqonaysaa khayaari oo waajib ma'aha ,Arrinkaas Nabiga Nabad galyo iyo Naxariisi dushiisa ha ahaatee ayaa xadiis saxiix ah ku xusay. Culumadu waxay arrintan kala soo dhexbaxeen in haddii salaadda Ciiddu ay waajib tahay, haddii kale ma ayan awoodeen in ay Jimcaha rido, sidaas daraadeed Salaadda Ciiddu waa waajib maadaama Salaaddi Jimcaha darteed loo baajiyay. Haddii aan u soo noqono aadaabtii Ciidda waxaa ka mid ah : 1. ISDAAHIRIN Isdaahirintu waa in subaxa Ciidda la qubaysto lana xirto dharka markaa la haysto kan ugu wanaagsan, lana is carfiyo gaar ahaan Ragga, maxaa yeelay Haweenka Muslimiinta ah waa ka xaaraan inay is carfiyaan markay Ciidda ama Masjika ama dibadaha ay aadayaan. Arrinkaas Haween badan ayaa ku gabood falay, oo waxaad moodaa in la yiri quruxdiina muujiya maalinta Ciidda. Marka Haweenku Allah ha ka baqaan oo ha ilaaliyaan xuduudda Alle. Waxaa iyadana xusid madan in ragga qaar ay munaasabadda Ciidda ay garka xiiraan shaarubadana sii daayaan iyagoo qurux moodaya, waxayse hilmaansan yihiin inay taasi tahay gaalo isku ekaysiin. Raggaas waxaan xusuusinaynaa in quruxda iyo haybadduba ay ku jirto ku dayashada Rasuulkeeni suubanaa Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaate, oo na amray inaan garka sii dayno shaarubadana gaabinno. 2. Adaabta Cuntada Waxaa sunna ah in salaadda Ciidda Carafo inaan wax la cunin salaadda ka hor, laakiin ciidda soonfureed (fitriga) waxaa sunna ah in lagu af bilowdo xabado timir ah oo tiro is dheer ah (kisi). 3. Takbiirta Takbiirta (Allahu Akbarta) waa in lagu dhawaaqo korna loo qaado inta ciidda loo socdo. Waxaa dad badani caado ka dhigteen inay sheekaystaan inta Ciidda loo socdo, waxaan idiin dardaarmayaa in arrintaa laga waantoobo. Salaadda Ciidda waa labo rakcadood , mana laha wax sunno ah oo ka horreeya ama ka dambeeya. Sidoo kale malaha Aadaan iyo Iqaamo. Sida lawada ogsoon yahay salaadda Ciidda waa labo rakco, rakcadda koowaad toddobo jeer ayaa Allaahu Akbar la oronayaa, rakcadda labaadna shan jeer baa Allaahu Akbar la oronayaa..   Xusuusin 1. In takbiirta (Allaahu Akbar) dadka oo dhan hal mar isla dhahaan waa bidco aan salafka hore u samayn, marka takbiirta waa in qof walba iskiis u dhahaa. 2. Khudbadda salaadda Ciidda waa ikhtiyaar qofkii raba waa dhagaysan karaa, kii doonayana waa danaysan karaa salaadda kadib. 3. Sida salaadaha kale salaadda Ciiddu waxay ku xirantaa Allahu Akbar, asalna sunada Rasuulkeenna kuma leh in salaadda lagu galo Naweytu iyo waxii ee la min ah. Uga dambeyntii, waxaan shaki ku jirin in maalinta Ciiddu tahay maalin la farxo, la is booqdo, xaflado la dhigo . Laakiin taasi macnaheedu ma aha in Xuduudda Alle lagu tunto oo la dhex dabaasho xaaraan(sida Ruwaayado la dhigo iwm), sharciga Allana lagu xadgudbo. Dhamaan walaalaha Muslimiinta waxaan xusuusinaynaa inay Ilaah ka baqaan oo ogaadaan in xisaab Alle ay la kulmayaan.

Fadliga Tobanka Maalmood Ee U Dambeeya Bisha Ramadaan.

Asalaamu calaykum Bishii bilaha uugu khayrka badnayd ayaa lagu jiraa ee cibaadada ha lagu dadaalo cisyaankana ha laga dheeraado umadyahay. Durtaba cishriin ayaynu qiyaastii ka tuuray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ee ILaahay SWT raxmadiisa iyo denbi dhaafkiisaba ha ina siiyo. ILaahay SWT ta danbena nabad iyo caafimaad ha inagu gaadhsiiyo. Aamiin Tobankan danbe ee aynu hada uun afka la sii gelaynaa waa 10ka lagu kala tegay ee dadba is dhaafshay. Waa 10ka sanadka oo dhan uugu khayrka badan. Waa tobanka naarta la iska xoreeyo. Waa 10kii uu Rasuulkii SCW cibaadada u go`i jiray ee aduunba meel iska dhigi jiray. Caa`isha RC waxay tidhi  `Marba haday 10ka danbe ee bisha Ramadaan gaadho, Rasuulkii SCW maba seexan jirin habeenkii, reerkiisana ayana waa toosin jiray, guntigana dhiisha ayuu iskaga dhigi jiray` Muslim iyo Bukhaari ayaa soo wada saaray xadiiskaas, waana saxeex dabcan. Sidaas darteed wuxuu sunuhu yahay inaad 10ka danbe khayr uun ku soo jeedid, gaar ahaan salaat iyo Qur`aan, hadaad wax kale ku dartana waa dikriga ILaahay SWT ee takbiirta, taxmiida, tahliisha iyo tasbiixda. Intaas waxaa kuu dheer ducada oo aanad ayana afka ka qaadin, gaar ahaan ——ALLAHUMA INAKA CAFUWUN TUXIBUL CAFWA FACFU CANII——— Allaha wax cafiya, cafiskana jeceloow i cafi` Waa in dhexda suunka lagu xidhaa, qof ahaan, qoys ahaan, qabiil ahaan iyo qaran ahaanba. Waa in wax kale kuma garatidee ILaahay SWT uun loo go`aa tobankan cesho ee khayrka soconaaya ah. Waa in sida uugu weyn ee la kari karo looga faa`iidaystaa ilayn sanadka danbe waxaa hubaal ah inaanay kuwo badan oo maanta inala joogaa gaadhaynee!!! Cabdillaahi Ibna Cabaas RC wuxuu yidhi  `Nebigii SCW ninka dadka uugu deeqsisan ayuu ahaa, Gaar ahaan Bisha Ramadaan oo uu malakul Jibriil kulamo la yeelan jiray, Habeenkasta oo Ramadaan ka mid ahna kulan ayay malakul Jibriil wada yeelan jireen ku saabsan Qur`aanka oo ay daraasad ku samayn jireen, wax kale kuma garatidee Rasuulku SCW dabaysha ayuu ka dheerayn jiray markay khayr noqoto waqtigaas ay Jibriil kulmayaan` Xadiiskani waa mutafaqun calayhi, diiwaan gashan oo la yaqaano. BaarakaLaahu fiikum ha la dadaalo markastaba gaar ahaan 10kan ayaga ah. Qormooyinka danbe Laylatul Qadri, Ictikaafka iyo Zakaatul fitri ayaynu wax ka odhan doonaa, Insha Allaahu tacalaa. Ramadaan Mubaarak———Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin.

Dabin Muslim Mise Dar Muslim.

Allaah ayaa mahad dhamaanteed iska leh, N.N. ha ahaato Nabeeganna scw korkiisa, Intaas kadib: Dadku waa laba qeybood marka laga eego daacadnimada iyo dibindaabada, waxayna kala yihiin: 1)       Dabin Muslim          Iyo: 2)        Dar Muslim. Dabin Muslim:  Waa qof ka shaqeeya shirqoolka & lugooyada muslimka asaga oo adeegsanaya xeelado kala duwan oo hadba waji cusub leh, sida badanna aan dadku si fudu ku garan karin. Dar Muslim: Waa qof waxa uu samaynayo daacad ka ah, qaladkii ka dhacana aan dhibaato Muslim ula jeedin sida badan, waana laba nooc dadkaasi

Fadliga Soonka (Maqaal Diini Ah Oo Qiimo Badan)

Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaamka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada Nabiga (S.C.W.), sidii uu Nabiguba (S.C.W.) ku tilmaamay asagoo yiri: “Badanaa qof sooma oo aan soonkiisa ka heleyn wax aan ahayn gaajo iyo oon“. Soomiddu waa cibaadeysi heer sare ah oo nafta ijtihaad iyo is-ilaalin ku nuuriya. Soomiddu waa sifayn iyo hagaajin nafta looga dan leeyahay in la dareensiiyo daciifnimadeeda iyo in laga gooyo dhugashada iyo daba-galka ceebaha dadka kale iyo waxa ka dhalanaya oo dhan, sida xanta, cayda, beenta, iska horkeenka muslimiinta, muran iyo qaylo, dagaal iwm. Soonku nafta ayuu daahiriyaa oo ka dhigaa naf Alle (S.W.) ka cabsata oo towbad keen badan, wuxuuna nuuriyaa iimaanka qofka. Fadliga iyo ajarka Soonka waxaa ka mid ah: (1) SOONKU WAA GAASHAAN: Soonku waa gaashaan (la isaga gudbo xumaan falidda, shahwada iyo naarta). Nabigu (S.C.W.) waxaa uu faray qofka aad ugu baahan in uu guursado misna aan awoodin guur (daruufta oo aan u saamaxayn markaas in uu guursado awgeed, hadday noqon lahayd dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca awooddiisa jirkaba) in uu soomo si ay shahwada rabitaanka guurku uga jabto. Maxaa yeelay soonku wuxuu ka reebaa nafta waxyaabaha ay jeceshahay oo ay shahwadu ka mid tahay. Cabdullaahi ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu nagu yiri: “Dhalinyarooy! Kiinnii heli karaa raas (reer) waa in uu guursado, waayo (guurku) wuxuu xakameeyaa indhataagga, sinadana gaashaan buu uga yahay, kii aan guursan karinna ha soomo da’ fur (tunniin) buu leeyahaye (jebin buu u yahay rabintaanka galmada).” Laysku raac ~ Muttafaqun Caleyhi). Sidoo kale Nabigu (S.C.W.) wuxuu caddeeyey in naarta lagu galo waxyaabaha ay naftu jeceshahay iyo in Jannada lagu galo waxyaabaha ay naftu necebtahay. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naarta waxaa laga helaa oo ay ku gabban tahay waxyaalaha ay naftu jeceshahay ee macmacaanka adduunka ah gadaashooda, Jannadana waxaa lagu xayndaabay camal adag oo ay naftu necebtahay“. Bukhaari iyo Muslim. (2) QOFKA SOOMAN WUXUU LEEYAHAY LABA FARXADOOD: Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood sida ku cad xadiiska Nabiga (S.C.W.) Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka soommani wuxuu la kulmaa laba farxadood, tan hore waa farxaa markii uu afurayo, tan labaadna waa uu ku farxi doonaa ajarka soonkiisa, markii uu la kulmo Rabbigiisa (Allaah).” Bukhaari iyo Muslim. (3) NEEFTA QOFKA SOOMAN OO MISKIGA KA UDGOON: Qofka sooman neefta afkiisa ka soo baxaysa waxay ka udgoon tahay miskiga sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “…….Neefta afkiisana (qofka sooman) ka udgoon Aragtida Alle udgoonka miskiga” Muslim. (4) IRIDKA (ALBAABKA) AR-RRAYAAN OO JANNADA KU YAALLA: Waxaa jira Jannada gudaheeda irid ama albaab magaciisa la yiraahdo Ar-Rayaan oo dadka sooma oo kaliya ay geli doonaan Maalinta Qiyaame. Qofka ugu dambeeya oo ka mid ah dadkii soomi jiray marki uu galo waala xirayaa iridka Ar-Rayaan. Qof kasta oo kamid ah dadka galay wuxuu cabbayaa sharaab. Sharaabkaas qofkii cabbana weligiis ma oomayo. Sahal bin Sacad (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabigu S.C.W. wuxuu yiri: “Waxaa jira Jannada dhexdeeda irid la yiraahdo Ar-Rayaan oo keliya dadkii soomi jiray ay geli doonaan Maalinta Qiyaame, qof kalena uusan ka gelin; waxaa la oran doonaa: Meeye ehlu soonkii? Waa soo kici doonaan, cidina ma geli doonto iyaga maahee. Markii ay galaan, iridkaa waa la xiri doonaa, cid kalena ma geli doonto iyaga dabadood.” W.W. Bukhaari iyo Muslim. (5) SOONKA & QUR’AANKUBA QIYAAMAHA WAY SHAFEECAYAAN: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Soonka iyo Qur’aankuba addoonka ayey u shafeecayaan maalinta Qiyaame. Soonku wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay cuntadii (iyo cabbidii) iyo waxyaalihii ay naftu jeclayd ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Qur’aankiina wuxuu oran doonaa: Rabbiyow! Waxaan ka reebay hurdo uu habeenkii jiifto ee (Rabbiyow) shafeecadeyda u aqbal. Wuxuu yiri: Markaasaa shafeecadooda la aqbalaa.” W.W. Axmed. (6) SOONKU WUXUU KAFAARO U YAHAY DEMBIYADA QAAR: Soonka waxaa lagu dhaafaa dembiyada yar yar sida ku cad xadiiskan: Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Shanta salaadood (oo si rigle iyo joogto ah jamaacad ahaan masjidka loogu tukado) waxay tiraan dambiyada yar yar, haddii dambiyada kabaa’irta (halista) ah (sida shirkiga, sixirka, dilka gardarrada ah, dhilleysiga, ribada, dhilleysi ku xamashada dumarka dhowrsoon, u dhabar jeedinta cadowga maalinta dagaal dar Alle ah iwm.) la iska jiro markaa waa loo dhaafaa dambiyada yaryar inta u dhexeysa laba Jimco iyo laba Ramadaan.” W.W. Muslim. (7) SOONKA DEMBIYADII HOREY KAAGA DHACAY AYAA LAGU DHAAFAA: fadliga soonka waxaa kale oo kamid ah in dhamaan dembiyadii yar-yaraa ee horay uga dhacay qofka muslimka ah loogu dhaafayo soonka dartiis. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u sooma bisha Ramadaan iimaan qab iyo ajar dalab, waxaa laga dhaafi doonaa dembiyadii horay uga dhacay (aan kabaa’irta ahayn)”. Bukhaari iyo Muslim. (8) IRDAHA JANNADA OO LA FURO – IRDAHA NAARTA OO LA XIRO – SHAYDAAMMADA OO LA KATIINADEEYO: Fadliga weyn ee bisha Ramadaan u gaarka ah waxaa ka mid ah, in irdaha Jannada oo dhan la furo, oo irdaha naartana la xiro, iyo in shayaadiintii ummadda dhibi jirtay la xir-xirayo. Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markii ay bisha Ramadaan soo gasho irdaha Jannada waa la furaa, irdaha naartana waa la xiraa, Shaydaamadana waa la xiraa (la silsiladeeya)“. Bukhaari iyo Muslim. F.G. Bisha ramadaan marka ay bilato waxaad arkaysaa dad badan oo towbad keenaya oo diyaar u ah in ay Rabbigood u noqdaan; dad badanna waxaa yaraanaya macaasidii iyo xummaantii ay sameyn jireen. Haddana, waxaa laga yaabaa in la arko dad kale oo wali macaasi iyo xummaan samaynaya, haddaba sidee baa taas lagu fasirayaa? Dadku waa laba nooc: dad sheydaan baa daba taagnaa oo fasahaadinayey dadna iskood bay u fasahaadsan yihiin (u khariban yihiin). Dadka iskood u khariban (fasahaadsan) xataa haddii sheydaanku uusan raad weyn ku yeelan waxaad arkeysaa ayagoo xummaan iyo dembi dhex dabaalanaya. FADLIGA BISHA RAMADDAAN Fadliga bisha ramadaan maaha wax qormo keliya lagu soo koobi karo: Ilaahay (S.W.) ayaa u gartay bisha Ramadaan in ay toqoto bishii Qur’aanka Karrimka ah lagu soo dejiyay dhexdeeda. Halkaas waxaa ka cad darajada iyo qiimaha ay dheer tahay bilaha kale. Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Bisha Ramadaan oo dhexdeeda la soo dejiyay Qur’aanka, isagoo hanuun u ah dadka iyo xujooyin cad oo hanuunka ah, iyo kala saarid (xaqa iyo baadilka)….”. Al Baqara, aayadda 185d. Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeenka Qadarka”. Al-Qadri, aayadda 1d Allaah (S.W.) wuxuu yiri: “Xaqiiqdii, waxaan soo dejinnay Qur’aanka Habeen barakaysan (Habeenka Qadarka)”. Ad-Dukhaan, aayadda 3d Fadliga iyo dheeraadka bisha Ramadaan waxaa ka mid ah in habeenadeeda ay ka mid tahay habeen la yiraahdo LAYLATUL QADRI oo ka kheyr badan kun (1000) bilood. Habeenkaas wuxuu ka mid yahay habeennada Ramadaanka. Waxaa loogu reja weyn yahay in habeenkaas uu ku jiro tobanka ugu dambeeya bisha Ramadaan, gaar ahaan waxaa loogu sii reja weyn yahay habeennada kinsiga ah (21, 23, 25, 27, 29), waxaa suura gal ah in uu helo habeenkaas qofka bisha Ramadaan oo dhan ku dadaala cibaadada, baryada Ilaahey, salaadda, dambi dhaaf dalabka, taraawiixda iyo tahajudka Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii u kaca in uu tukado salaad taraawiix bisha Ramadaan, iimaan qab iyo ajar dalab dartood, waa loo dhaafaa wixii dembiyo (yar yar ah) oo horay uga dhacay“. Bukhaari iyo Muslim.

Qabuura Faagista Shabaab Iyo Qaaya Tirista Diinta.

Urururka Shabaab oo lagu yiqiin afkaar badan oo ay la yaabeen culimo iyo caamo badan ayaa lasoo if baxay habdhaqan hor leh oo in badan ku riday afkii baa juuqda gabay. Horey ayaa wixii lagu yiqiinay waxaa  ugu darnayd dhiig xalaalaysiga muslimiinta ama shacabka Soomaaliyeed oo qaarna murtad ku sheegeen qaarna dhibka kasoo gaara qaraxyada iyo dagaalkooda ku sheegaan in niyadooda lagu soo bixi doono iyadoo marar badan aan wax ka garaabis ama hakin  ah aysan ka samayn falalka ay in badan oo shacabka wax kasoo gaaraan oo dhimashadu ugu daran tahay. Maalmahan waxay shabaab billaabeen hawlo ay ku faagayaan qabuurtii culimadii Soomaaliyeed ee saalixiinta ahaa ama dadka  Soomaaliyeed u ahaa hogaan diineed taariikhi ah wax badan oo wanaag ahna sabab ugu ahaa bulshada. Shabaab waxay ku doodeen in culimadani la caabudi jiray sidaa darteedna ay qaadeen tallaabo ay ku faagayaan qabuurtooda lafahoodana ay iyaga oo qura uun ogaanayaan halka ay ku danbeeyeen si loo cirib tiro waxa ay ku sheegeen sanamyo ama wax ay dadku caabudi jireen!! Inkastoo afkaar iyo falal gurracan looga bartay dhallintan ayaan hadana jirin cid falka si fiican uga hadashay marka laga reebo ahlu sunna oo canbaraysay. DKMG ah ayaan arrintan siyaasad ama diin ahaan midna uga hadal iyadoo taasi ay keentay in dadka qaar ku tuhmaan in tani ay u eg tahay meelaha ay mindhaa wadaada siyaasadda dawladda ku jiraa aysan wax badan uga aragti duwanayn shabaabka ama ay qaarkood ka baqayaan in lagu eedeeyo inay shirki difacayaan haddii ay arinta faagista iyo raad tirka qubuurtan ka hadlaan. Mala Caabudaa qabuurta Saalixiinta? Ilaa hadda inta laga war qabo ma jirta cid Soomaali ah oo sheegaysa in culimada ama salixinta la faagay qabuurtooda ay ilaahyo  ama eebbe yarayaal ahaayeen la caabudo ama iyaga toos waxl ooga dalbanayo oo sidaas wax ku tari karaan.  Waxa la isku hayo ee ugu badan waa in dadka saalixiinta ah lagu tawasuli karo ama fadligooda  Alle wax lagu weydiisan karo  iyaga oo aan kula noolayn saalixiintaasi ama inay  maqlayaan cidda ergo waydisanaysa oo Alle u wax weydiinayaan, oo culimada qaarna diin ahaan ogol yihiin qaarna diiddan yihiin. Waxaan meesha ka marnayn iyadoo ujeedka ahaa in lagu tawasulo  ama la ergaysto dadka saalixiinta ah waxaa mararka qaar dhaca khaladaad badan oo dadka caamada ah ay galayaan oo laga yaabo in falalkoodu xadkii tawasulka uu ka baxo oo isagoo mooda inuu barakaysanayo ama ku tawasulayo saalixiinta uu galo khalad aan qasadkiisa ahayn laakiin fal ahaan u sawirmi kara inuu alle cid kale la wadaajinayo ama jahli u geeyo in tallaabadii tawasulka meesha ka saaro oo uu adoonkii saalixa ahaa ee la lahaa Alle wax ii waydii isagii su?aashii toos ugu tabiyo. Wixii khaladaad ah halkaasi ku jiraahi waa kuwa cilmi baris iyo u caqli celin lagu saxi karo saxwada islaamka ee Soomaaliyeedna ay wax wayn ka qabatay inta dhimanna u baahan in qancintaa lagu sii wado laakiin sida ay haatan shabaab u dhigeen waa mid uga sii daraysa oo waxyaale dhintay sii noolayn karta marxuumiinta maydkooda lafaagay iyo eheladoodana xad gudub ku ah. Qaayatirka Saalixiinta iyo Qaladkooda ay ku muteen! Tallaabadan  ay shabaabku ku faageen kuna  xurmo tireen culimadaa saalixinta ee Soomali ugu caansanayd  ayaa la is weydiin karaa muxuu ahaa khaladka Saalixiinta ay galeen oo ay ku waayeen xurmadii mayda muslimiinta caadiga ah lahaayeen oo ahaa in sharaf loo aaso loona daayo godkooda intii Alle kasoo saarayo? Qaladkoodu mawaxuu noqday inay saalixiin ahaayeen  oo laga raadtiro taariikhda? Saalxinimadu ma wax lagu dadaalo oo fiicanbaa mase haatan ka dib waxay noqon wax laga cararo si aan mustaqbalka qabrigaada loo faagan? Sowse qaayo tiris kuma ah diinta haddii saalixiinteedii sidaan loo galayo? Ma khalad cid kale leedahay haddii uu jiro ayuu saalixu ku qaayo tir mudanayaa oo looga raad tirayaa taariikhda mise cidda khaldan ayay tahay in loo nasteexeeyo ama laga mamnuuca wixii khalad ah ee ay qabriga la dul timaaddo? Uducayntii faraha badnayd iyo siyaaradii uu ka heli lahaa muslimiinta qabrigiisa soo booqaysay maxaa lagu seejiyey oo looga dhigay cid aan la ogayn meel lagu yaqaan ama lagu soo booqdo ama loogu duceeyo markii qabrigeeda la arko ama lasoo xasuusto? Haddi qoladii sheekha raacsanayd oo aan laga qancin joojinta wixii khalad ah ee ka dul dhaca qabriyada xoog hortooda loogu ihaaneeyo sheekhoodii sharafta weynaa ma xumaan baa ku joogsanaysa sidaa mase qalbiyadooday qasriyaal uga dhisayaan oo ay hal abuuri doonaan hannaan kale oo intii qabriga ka dhici jirtay ka badan ku sii samayn karaan? Sowse colaad iyo isnac dhex marlaya muslimiinta iyo dhiigga daadan kara ama daadanaya falkii faagista darteed ah kama sii darna. Dhanka kale sow xad gudub looma gaysan  eheladii culimada saalixinta wixii ka nool ee hortooda qubuurtii waalidkood lagu faagtay oo lagu ihaanaystay oo ay ugu xoog sheegatay cid aysan wax suldo sharci ah ku ogayn ama u aqoonsanayn oo xittaa aysan u ogolayn  in halka lagu aasayo lafahii waalidkood loo sheego haddii masaajid laga soo dhexaaray si ay berry u booqan karaan illayn cid kasta oo muslim ah waxay xaq u leedahay inay meydeeda aasato, qabriga ehelkeedana soo booqato oo u ducayso? Maxaa Soomaalida oo dhan loo xurmo tiray  oo dadkii taariikhdooda kuweynaa sidaa loogu ihaanaystay? Xattaa  haddii gaalo Talyaani ama Ingiriis ah qabsadaan dhulka muslimiinta ama dhul kale sidaba horey u dhacday wax dhawraan oo kuma xadgudbaan raadadka taariikheed iyo dadka shacabkooda ku weyn ee taa xataa ma garan waayeen wiilasha soomaaliyeed ee la maskax dhaqay? Ugu danbayn haddii ay qabriga salixintii hore ee saxaabada helaan ama anbiyada ilaahey oo uu ku jira nabi maxammed scw ma sidan bay u gali lahaayeen mase kuwan waxay ku eedaynayaan inaysan ku mad-hab ahayn oo suufiyo yihiin iwm. Ugu danbayn falka dhacay waa mid aad u qaab daran oo in laga dhiidhiyo oo dhaleeceeyo u baahan  inkastoo ay kuwii noolaabaa ihaano iyo gowricis la iskugu daray hadan fal kasta oo gurracan waa in sidiiisa loo canbeereeyo waxna looga yiraahdo haba jireen falal ka xun ama la mid ahe.

Diinta Islaamka Oo Si Weyn Ugu Fidaysa Mareeykanka.

“Diinta islaamka waxay ka mid tahay diimaha ugu fiditaanka badan dalka Mareekanka” hadalkan waxaa si cad u tiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya maamulka Washington, xooghayaha arrimaha dibadda Condolisa Rice mar ay shaleey waraysi siinaysay taleefishinka carbeed ee lagu magacaabo Al-hurra. Waxay gabadhan iyadoo hadalkeeda sii wadata markale tiri “waxaan ognahay in diinta islaamka ay tahay diin dadka ugu yeeraysa nabadda, ma dhici karto in kuwa dilka iyo ad-adayga jecel aan denbigooda ku xanbaarno islaamka” waxayna intaas raacisay inay kuwaas aynan matalayn mustaqbalka barriga dhexe iyo dunida carbeed. Wuxuu hadalkan ku soo beegmay maalin kadib markii 2 ka mid ah ciidamada Mareekanka ee fadhigoodu yahay saldhiga milateri Bagram ee ku yaala Afghanistan ay soo islaameen, dabadeedna ay guursadeen labo gabdhood oo u dhashay Afghanistan. Way jireen dad reer galbeed ah oo soo booqday Afghanistan soona islaamay, kadib markii loo awood sheegtay xukunkii Taliban, hase ahaatee waa markii ugu horeysay ee soo islaama ciidamo Mareekan ah oo jooga Afghanistan. Masjidkii soomaalida ayay ku soo islaameen Isla shaleey maalintii jumcada ee waraysiga laga qaaday xooghayaha arrimaha dibadda Condolisa Rice, ayaan salaaddii jumcada ku soo tukaday masjid ku yaala suuqa Karmel ee magaallada Minneapolis, waxaana salaaddii jumcada kadib shahaadada towxiidka loo qabanayay dadyow ku soo biirayay diintaan muqaddaska ah ee islaamka. Hadalkii ay tiri Rice oo aan indhahayga arkeen. Alxamdulillaah iyo allaahu Akbar ayaan la qaadayay dadweynihii masjidka dhexdiisa ku dhawaaqayay, kadib markii ay ishooda saareen walaalo cusub oo uu Allaah ku mannaystay inay soo galaan diinta macaan ee islaamka. Waa markii iigu horeysay ee aan cagta soo dhigo suuqaan Karmel. Sannadkii hore oo aan booqasho ku imid Minneapolis, waxaan soo booqday masaajiddada ay ka mid yihiin Masjidka Abuubakar Assiddiiq, Daarul-Hijra iyo kan ku dhex yaala Suuqa Mall-24-ka. Hase ahaatee, waxyaabihii qalbigayga qaboojiyay ayaa ka mid ahaa wacdigii iyo khudbaddii isu-dheelli-tirnayd ee uu sheekhii dhalinyarada ahaa ka jeediyay masjidka Karmel. Qodob qiimo badnaa oo i soo jiitay Mowduuca khudbada ayuu sheekha la beegsaday MACRUUFKA oo la is faro iyo MUNKARKA oo la iska reebo. Run ahaantii si cilmiyeysan oo deggan ayuu dadweynihii dhagaysanayay tusaalooyin badan ugu soo qaadanayay qodobkan. Wuxuu muslimiintii dhagaysanaysay ku tirtirsiiyay inay u kacaan waajibka dacwada islaamka kaga aaddan walaalahooda kale, inay marwalba u nasteexeeyaan, inay kheyrka iyo salaadda ugu yeeraan, qabyaaladda iyo colaaddana dhexdooda uga digaan, jacaylka dhexdooda iyo waxyaabaha keeni karo midnimada oo la is xasuusiyo ayay ku soo wareeganaysay qodobkiisii uu khudbada kaga hadlay. Daqiiqado markay ka soo wareegatay dhagaysigii khudbada sheekha, ayaan u soo daadegay maqaayad isla suuqa ku tiillay saan uga qadeeyo. Fadhi-ku-dirir Dad ka mid ahaa dhagaystayaashii khudbada jumacada oo aan kula kulmay maqaayadda ayaad mooddaa inayan maqal wacdigii daqiiqado kahor loo sheegayay. Waxay si caddaaladda aad uga fog u haysteen oo ay u dacaayadaynayeen mid ka mid ah qabiillada soomaaliyeed ee siyaasadda kula jira, iyagoo kuwii la fadhiyayna aan ku jirin qof dib u xasuusiya wacdigii uu sheekha waxyar kahor sheegayay. Waxaan u fahmay inay-un tahay fadhi-ku diriryada soomaalida lagu aafeeyay sannadihii ugu danbeeyay. Inkastoo aan marar badan maqlayay, wixii ka danbeeyay 11-kii September waxaa korodhay dadyowga ku soo biiraya diinta islaamka, haddana waxaa dhinac socday cadaadis iyo dhibaatooyin la marinayay muslimiinta dalalkan ku dhaqan. Waxaa la gubay xarumo masaajidyo ku yaala Mareekanka, waxaa dhibaatooyin loo gaystay dumar xijaaban, iyagoo inta badan ay dadka falkaas gaysanayay ay ahaayeen dad cunsuriyiin ah. Dastuurka Mareekanka ayaa qaba in la ixtiraamo diimaha iyo dhaqamada ay aaminsan yihiin dadyowga ku nool Ameerika, waana tan keentay in ardayda muslimiinta ee dhigata Jaamacadaha Mareekanka ay helaan goobo ay ku gutaan cibaadada salaadda. Xarumaha lagu cibaadaysto ee Jaamacadaha usa Wargayska USA Today ayaa maalin sii dhoweyd daabacay in Jaamacadda Michigan ee Dearbom ay ku fekerayso inay ardayda muslimiinta u samayso goobo ay ku gutaan salaadda, kadib markii ay codsigan soo gudbiyeen ururka ardayda muslimiinta ee Jaamacaddaas. Sidoo kale Jaamacadda George Mason  ee ku taalla Fairfax ee gobolka Virginia ayay ardayda muslimiinta yeesheen qol ay ku gutaan cibaadada salaadaha , iyagoo labo meel u kala qaybiyay ragga iyo dumarka. Sida Wargaysku xusay, waxaa jira 17 jaamacadood oo Mareekanka ku yaalla oo leh xarumo ay muslimiinta ku gutaan cibaadooyinka khaaska ah, waxaana jaamacadahaas ka mid ah Jaamacadda Boston, Jaamacadda George Washington iyo Jaamacadda Temple, halka ay ugu yaraan ay jiraan 9 jaamacadood oo leh qolal salaadda lagu tukado, ayna ku jirto Jaamacadda Stanford iyo Jaamacadda Virginia. Dalka Uk ayaa guud ahaan jaamacadihiisa ku yaalaan xaromo masaajidyo iyo maktabado laga heli karo kutubta ka hadla guud ahaan aqoonta islaamka. Toban jamaacadood qiyaastii oo aan horey u soo booqday ayaan ku soo arkay xarumo lagu guto cibaadooyinka sida salaadda iwm, halka sidoo kale qofkii doonaya inuu diinta wax ka ogaado uu fursad u helayo inuu la kulmo Caalim diinta islaamka si wacan u yaqaana. Hase ahaatee, dalka Denmark oo aan degganahay ayaa weli arrintan ku dhiiran. Jaamacadda Koonfurta Denmark eek u taalla magaallada Odense ayaan weli ardayda muslimiinta ku guuleysan inay helaan goob ay ku gutaan salaadda, iyagoo markiii iigu danbeysay ay la kulmeen diidmo kala duwan oo ku wajahan codsigoodaas. Ugu danbeyntii, waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa hadalkii dahabiga ahaa ee uu yiri Rasuulka (scw)  'diintan waxay gaari doontaa halka uu gaaro maalinta iyo habeenka'.

Maqaal:- Maxay Diinta Islaamka Ka Qabtaa Burcad Badeednimada ?

Maxay Diinta Islaamka ka Qabtaa Burcad Badeednimada ? Shiikh Cumar Xerow “ Burcad Badeeda in lala Macaamilaa ma Banaana” Waxaa noo suurta gashey nin aan wareysano Shiikh Cumar Maxamuud Wardheere (Shiiikh Cumar Xerow ) oo ka mid ah Culimada waa weyn ee sida weyn looga yaqaan Magalada Muqdisho waxaana  wax ka weydiiney waxa ay diinta Islaamka ka qabto Burcad Badeednimada waxaana uu Wareysigii u dhacay Sidatan: Su’aal: Qaadicu Dariiqa  Diinta  Islaamka Tilmaantey maxay kaga duwan tahay Burcad Badeednimada ? Jawaab: Burcadda Badda ha joogto, Dhulka ha joogto  ama Cirka ha joogto , Magaca Burcadda ayaa kulminaya , waxay kaga duwan tahay ma jirto Fii Shareeca Islaamiyah, intaba waxay wadaagaan Dadka Musaafiriinta,  Dariiq ha maraan , ama Bad ha maraan ama Cir ha Maraane  ama Beri ha maraan  ayey waxay ku yihiin Caqabad  Dariiqooda, qof walba oo  dad meel maraya hor istaagana waxaa uu qaadanayaa magaca Burcadnimada ah , marka Burcada iyo Burcad Badeeddu waa isku mid , haba kala duwanaadaane qaabka ay aduunka ula macaamilaane , laakiin islaaamku Ficilkaa Burcadnimadaa , Burcadu waa  isku Burcad. Suaal:: La Macaamilka Qofka Burcad Badeeda maxay Diinta ka qabtaa ? Jawaab: Ninka Burcad Badeedka ah, waa nin Dambiile ah , in lala Macaamilo , in wax laga gato, wax laga kireysto , Wax lagu Mehriyo , ama lala shaqeysto ama lala Shirkoobo , macno buu yeelanayaa  Macaamilka , intaba ma  Banaana ,  hadii la ogyahay in Xaqiiqo tahay , ama Burcad Badda ha ahaado , ama qaybaha kale ee Burcadda in lala Macaamilo ma Banaano , Su’aal: Xoolaha laga Tabco Burcad Badeednimada Diinta  Islaamka maxay ka qabtaa? Jawaab: Xoolaha waa Xaaraan , waji  walba oo lagu kasbo , waayo waxa lagu kasbay waa Tahdiid ama Cagajugleyn, Waa Bani’aadamkii oo la Adoonsanayo , waa Baniaadamkii oo Hantidiisa la dhacayo, waa Baniaadamkii Musaafirka ahaa oo islaamku ugu talagaley in Dhulka si aamin ah ku maro ama Badda si Nabadgelyo ah ku maro  wax laga qaadey  waaye , waxaas Cidda laga qaadayo ha laga qaado ama Gaal ha laga qaado ama  Muslim ha laga qaado waa Xaaraan weeye, waxaana uu Xalaal ku noqon kara iyadoo qofkii Xoolaha laga qaadey loo celiyo hadii uu yaqaaney. Su’aal: Qofka Burcad Badeeda ah ee Dhibaatada ku ahaya Bulshada Soomaaliyeed ama Caalamka Abaal marintiisu maxay tahay marka Diinta Islaamka la eego? Jawaab: Qofkaas waa Qof u Bareerey in uu Fasahaadiyo Arlada , hadii aan fiirino Burcadda Badda  waxay Cunaqabateeyeen Ummadda Soomaaliyeed , oo wixii Badeeco ahaa Qaali ka dhigey, oo wixii  Wadanka soo aadayo ee Maraakiib ahaa ay diideen  in ay soo aadaan dalka,  Howshaas waa mid Khatar ah  Qofka ku kacaana waxaa looga baaqaa Khaatumo Xumo , hadana sidaan aragney Maahmaah Carbeed baa tiraahda “ Wixii Biyo kaa so gala Biyo ayey u Dhamaadaan” Biyaha Sacabada ma celinayaan, waxa Xaaraanta ah Weel Celinaya ma jiro, wxaa loo baahan yahay in Dhalinyaradaa la wacyigeliyo , Diinta loo sheego ,Culimada la Kulmaan , Dadaal fara badan ayaa loo baahan yahay inta aysan dhibin Caalamka kale. Su’aal: Badda Soomaaliya waxaa la soo dhoobey Maraakiib fara badan , waxaa iska leh Beesha Caalamka si ay ula dagaalamaan Burcad Baddeeda , hadaba qaabka loo wajahay ma yahay kii saxda ahaa ? Jawaab: Qaabka loo wajahay Sax ma aha hadii ay rabaan Burcad Badeeda lala Dagaalamo , Badda lagulama dagaalami karo , Mashaakilkaa Burcadnimada waxaa uu ka Bilaabmey Beriga ama Dhulka , dadka Beriga jooga Cidii la tacaali karata , la falgeli karta ama ha ahaadaan Dadka Degen Xeebaha ama dadka ku dhow, ama Nidaam la helo ha ahaato marka sida loo wajahay waa qalad , waxaa  ka wanaagsan in Wadanka Gudihiisa Nidaam Nimankaa iyaga ah looga hortago la sameeyo , ama wacyi gelin ha ahaato ama dadka ha is abaabulaan  ama nidaam Dhisan oo Xoog leh taa ayaa looga hortagi karaa marka sida loo wajahay waa Qalad

Waalidiinta Qurbaha: Cidaan Adinka Ahayn Xilka Kama Saarna Caruurtiina Dhaqankooda Iyo Diintooda.

Inta aanan u gelin faalada qoraalkayga, aan idin xasuusiyo dhaqankeena ku salaysan diinta islaamka in uu yahay mid lagu faano. Dhaqankaas oo aan waligay hilmaamayn. inkastoo ay iigu danbaysay hoyga dhaqankeena, Soomaaliya, in ka badan 22 sano. Intaa kadib, sida aad ka maqashaan idaacada wararka ama aad ka aqristaan shabakadaha wararka, ama aad ka daawataan idaacadaha wararka ee la iska arko, waxaa jirta in dhalinta Soomaaliyeed ee Qurbaha ay soo foodsaarto dhaqan gadoon sababa dacdarooyin ay la kulmaan ama ay iyagu is waxyeeleeyaan “isdilaan” – sababtaas oo ah dhaqanka cusub ee ay kula kulmaan Qurbaha wadanka ay kaga nool yihiin iyaga iyo waalidiinkoodba. Caruurta iyo dhalinta qurbaha ee hada jirta (Allah ha xafidee) oo ay kala bar ama badankooda ku dhasheen Qurbaha, ha u badnaato xerooyinkii qaxootiga ee Ethiopia, Kenya, Uganda iyo kuwo kaleba maadaama qaxii sababay dagaalkii sokeeye waqtigaan aqristow aad aqrisanayso qoraalkaan laga joogo 22 isano iyo ka saa’id. Marka, wiilashii iyo gabdhahii dhashay waqtigaasna ay maanta jiraan 22 sano iyo saa’id. Hadaba dulucda qoraalka ma aha in aan idinxusuusiyo qaxii la soo maray madaama laga soo baxay waqtigii adkaa ee aan soo marnay, ee waxay tahay in aan xasuusiyo waalidka Qurbojoogta Soomaaliyeed in ay ogaadaan ama ay maskasda ku hayaan sidii loo badbaadin lahaa caruurta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaana kuwa ku dhashay Qurbaha. Waxaa xusid mudan meelkasta oo ay jaaliyada Soomaaliyeed ku sugan tahay, ha ahaato Africa, Asia, America ama Australia, waxay dadaal ugu jiraan badbaadinta caruurta iyo dhalinta Soomaaliyeed. Iyadoo taas ay jirto, ayaa hadana waalidkasta ay masuuliyad wayni si gaara uga saaran tahay sidii ay uga warqabi lahaayeen meesha ay caruurtooda aadaan, caruuraha ay raacaan ama saaxiibka ay la yihiin iyo meherada ama camalka ay caruurtooda galiyaan waqtiga aysan fasaxa ku jiraan iyo arimaha la xariira internetka iyo websiteyada ay fikradaha iyo wararka ka qaataan, madaama ay soo badanayo arimaha adaga ee soo foodsaara dhalinta Soomaaliyeed. Soomaalida waxay ay tiraahdaa “cidna uma maqna, ceelna uma qodna”, marka hadii aad waalid tahay, marna ha filanin in wiilkaaga ama gabadhaada ay kuu ilaaliyaan cidkale oo aan adiga ahayn. Sidoo kale, ka tasho inta ay hay’adaha ku dooda in ay caruurta wax u qabtaan ama dhaqan celinta dhalinta qaabilsan ay gaarto xaalad ay caruurtaada maskax iyo caqli u noqdaan. Taa oo loga hortagi karo, in Hooyo iyo Aabe kasta, oo nasiib u yeeshay cimirga ALLAH siiyey, ay waqtigooda intiisa badan geliyaan caruurtooda, inta ay goori goor tahay. Inta badani dhibta waxay ka dhalataa, Aabayaasha fadhi ku dirirka waqtigooda geliya iyaga oo aan war iyo wacaal u hayn xaalada caruurtooda. Marka Aabayaasha Qurbaha waxaa la gudboon in ay ogaadaan in caruurtooda barbaarintooda, hagidooda ay ku haboon tahay inta ay yaryihiin hadii ay rabaan in caruurtooda ay mustaqbal fiican yeeshaan. Mida kale, burburka ku yimaada qoysaska Qurbojoogta oo hada la dareemay in uu lug ku leeyahay habowga caruurta iyo dhalinta qurbaha, marka dumarka Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay noqdaan kuwa markasta isku wada reer Soomaaliyeed, kana ilaaliya wixii keeni kara in reerku uu dumo.

Goormee diintu soo gaartay soomaaliya?

Wa tan koowaade waxaan ka hadlaynaa kooxo sheeganaya dhaqdhaqaaq islaami ah; kooxo si diinta ka fog u adeegsada magaca diinta islaamka; kooxo wax kastoo ay burburiyaan ugu yeera magacyada quruxda badan ee diinta xataa haddii diinta looga baxayo. Waa tan labaade, madaxda, siyaasiyiinta, aqoonyahamiinta iyo wax garadka isku diyaariya hoggaaminta dalka mid fiican iyo mid xunba awood uma laha inay dalka iyo dadka ka difaacaan shirqoolkan ku ganbada magaca diinka; kii isku daya inuu difaacana ma garanayo wadiiqada ugu habboon ee loo maro. Bal waxaaba imaan kara in isagii loo arko nin la dagaallamaya diinta Islaamka, bidcadiina loo arko niman difaacaya diinta islaamka. Dhibaatadaas waxaa sababay madaxda oo aan wax xiriir iyo iskaashi ah la lahayn culammada xaqa ee ah ee aqoonta wanaagsan u leh diinta Islaamka. Sidaas darteed, si looga badbaado shirqoolladaas waxaa lagama maarmaan ah in la fahmo:- • Doorkii culammadu ku lahaan jireen hurummarka iyo badbaadada ummadda iyo kan hadda kaga aaddan. • Aragtida culammaa’udiinka ee ku aaddan sida looga samata bixi karo khatarta dalku ku suganyahay. Haddaba si arrimahaas loo xaqiijiyo, aan faallo kooban ka bixinno taarikhda iyo doorka culammada Islaamka Ahlusunna waljamaaca ee Soomaaliya. Sida ay qoraalkaan inta aqoonta u leh taariikhda geyigan, dalka Soomaaliya waa waddan diinta Islaamka ku leh taariikh & xadaarad fac weyn. Waa wadankii ugu horreeyey ee diinta Islaamku soo gaartay (615M) 5 (shan) sano oo keliya markii laga joogay soo bixitaankii Rasuulka (CSWS), waqtigaas oo ku beegnaa 8 sano ka hor hijradii Rasuulka (CSWS) ee Madiina. Hijrooyinkii karaamada badnaa ee diintu ku soo gaartay dalkeena waxaa kala hogaaminayey Sayid Cusmaan Ibnu Cafaan & Jacfar Ibnu Abii daalib (RCM). Rabbi (SWT) ayey mahadi u sugnaataye ilaa xilligaas marna wax hakad ihi ma gelin faafitaanka diinta Islaamka, ilaa ay soo baxeen culama Soomaaliyeed oo door weyn ka qaadatay barashada & fidinta diinta Islaamka oo gaaray heer iyaga looga soo xareysto caalamka Islaamka. Waxey qoreen culumadaas Soomaalida,ihi kutub caan ah oo leh fanni kasta oo culuumta Islaamka ah, waxay culammadaasi isugu jiraeen:- Qurraa’, Mufasiriin, Xufaad, Fuqa’ha, Mu’arikhiin, Luqwiyiin & qeybo kale, waxaana ka xusi karnaa:-   • Al-iimaam Fakhrudiin Al-Saylaci oo ahaa sheekhii Xaafidu Seylaci oo allifay kitaabka weyn ee la yiraa Tabyiinul-xaqaa’iq oo ah sharaxa kitaabka weyn ee Kansu-daqaa’iq. • Al-Xaafidu Seylaci oo qoray Kitaabo badan oo loo cuskado diinta Islaamka, sida Nasbu-rayah fi takhriiji axaadiis il- hidaayah.   • Imaamu Shamsu-diin Al-Maqdashi oo ka mid ahaa culumadii ugu caansaneyd qarnigii 8-aad ee Hijriyada. • Imaam Max’uud Ibnu Cali Ibnu Abiikar Al-maqdashi oo ahaa Iimaam reer Muqdisho ah; waxaana xufaadii uu sheekh u ahaa ka mid ahaa: Al-Xaafidu Dahabi & amiirkii mu’miniinta ee Axaadista ee Al-Xaafid Ibnu Xajar Al-Casqalaani oo ahaa Imaamkii allifay sharaxa ugu weyn Saxiixul-Bukhaariga ee Fatxul- Baari. Imaam-yaalka waaweyn ee Islaamka ee ka sii faa’ideysatey mashaa’ikhdan Soomaaliyeed iyo kuwa ka qaatay cilmiga waxaa kale oo ka mid ahaa:- • Al-Xaafidul Ciraaqi, shaykhul-islaam. • Al-Xaafidul Ceyni. • Al-Xaafidul Busayri. • Al-Xaafidul Casqalaani, shaykhul-islaam. • Al- Xaafidul Haythami. • Al-Xaafidu-Sakhaawi, • Xaafidu- Siyuudi, Sheykhul Islaam • Al-Xaafid Sakariyal-ansaari, shaykhul-islaam. • Al-xaafidul-Jasari, shaykhul-slaam. • Al-Xaafidul-qasdalaani, shaarixu S/Bukhaari • Imaam Ibnu Xajar Al-Haytami, • Imaamu Ramali, Saaxibu nihaaya, • Imaam Khadiibu- Sharbini, iyo • Imaamyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin.   Culammada Soomaaliya waxaa intaas u dheeraa kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen difaaca diinta, dadka iyo dalka oo ay hogaaminayeen mashaa’ikhda Suufiyada ee Ahlu-Sunna wal-Jamaaca . sida:- • Sheekh Cumar Walasmac. • Sheekh Sacdudiin Al-Saylici. • Imaam Axmed Gurey. • Amiir Nuur. • Sheekh Muxammad Khaliif. • Sh. C/qaadir Sh. Sakhaawa-diin, • Sheekh Uweys. • Sheekh Xasan Barsane. • Sheekh Bashiir, & • Mashaa’ikh kale.   Waxaa taariikhda ku cad oo aan marag u baahnayn, in muddadii mashaa’ikhda Soomaaliyeed ee Suufiyada ahaa hoggaaminayeen dalka aan marna la hanan taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, lana gaaleysiin hal qof oo muslim ah. Dadaalka dheer ee culumada Soomaaliyeed wuxuu sababay in Soomaaliya yeelato midnimo dhan kasta ah. waayo: Mad’hab ahaan waa Shaaficiya, caqiido ahaana waa Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ku abtirsada Abu Xasan Al-Ashcari & Abuu Mansuur Al-Maa’turiidi, kuna mideysan dariiqada suufiyada oo dhammaantood ku abtirsada iimaamyada Salafu Saalix. Waqtigan aan joogno culammada Soomaaliyeed ee suufiyadu waa kuwa dadka bara diinta islaamka, waxay aqriyaan: • Tafsiirka, Qiraa’aadka iyo dhammaan culuumta Qura’aanka kariimka. • Axaadiista Rasuulka CSWS, Musdalaxa iyo dhammaan culuumta axadiista. • Caqiidada, Fiqhiga, Usuulul-fiqhiga, Siirada, iyo Aalada (dhammaan fanniyada carabiyada). Ilaa iyo hadda ma jiro qof kitaab aqrin kara oo aanay Suufiyadu cilmiga soo barin, xataa kuwa fara ku tiriska ah ee wadaadada u ah wahaabiyada waxaa wax soo baray culammada suufiyada. Arrintaas waa marag ma doonto. Tan kale, culammada suufiyadu waa aqoonyahamiinta difaaca caqiddada suuban ee ahlu-sunna wal-jamaaca. Intaas waxaa u dheer waxay ka shaqeeyaan hishiisiinta iyo difaaca diinta iyo is jecleysiinta ummadda walaalaha ah. Guul weyn ayeyna ka gaaraan meelaha aanay ka jirin fara gelinta iyo shirqoollada dibadda laga maleego, meelahaas ruuxooda wax badan ayey ka badbaadiyaan. Waa dhaxalkii anbiyada, waa khaliifyadii Awliyada Ilaahay, Muslimiinta ma laayaan si ay ku helaan xukun, dhaqaale, jago iwm. Dalka ma burburiyaan mana u adeegaan cadawga diinta, dadka iyo dalka.

YAA EHEL U AH HOGGAAMINTA NOLOSHA UMMADA?

Qaabka aadenuhu u nool yahay waa uu ka duwan yahay siyaabaha ay xayewaannada u nool yihiin, wuxuuna u dhaqmaa hab bulshoinimo. Saa darteed, waxaa la yidhaahdaa insaanku waa- madaniy u-dhabci- loona jeedo in uusan keli-keli u noolaan karin ee uu bulshaawi yahay. Bulshaduna waxay ka kooban tahay afraad isu tagtay, xidhiidhyo khaas ah ka dhexeeyaan,oo dano isweydaarsaday.Si aanay isugu xad gudbinan dantu ku khasab -tay inay yeeshaan nidaamyo iyo xeerar dadka kala haga nin walbana dawgiisa mariya. Nidaamyadaasuna waxay keensanayaan in qof walba uu bulshada ku yeesho xuquuq ay khasab tahay in loo gudo, isna inuu u doodo xaq u leeyahay. Isagana waxaa waajib ku noqonaya xuquuq ay dadyawga kala duwan ee bulshadu ku yeelanayaan, lagana doonayo inuu ka soo dhalaalo. Waxaana umadkasta aan laga waayaynin qaar aan xaqooda ku qancayn,se waxa dadka kale u hanqal taaga,iskuna daya inay sir iyo caadba ku helaan. Waxaanna la waayaynnin oo kale qaar aan oggolayn inay gutaan xuquuqda bulshadu ku leehay. Taasina waxay bulsho kasta ku laasiminaysaa inay samaysato dad khaas ah oo inta awood gaar ah la siiyo,loo xil saaro ilaalinta iyo hirgelinta nidaam nololeedka bulshadu isku waafaqday in lagu dhaqo. Dadkaas oo ah madaxda bulshada hoggaanka u haysa. Iyaguna waxay ummada ku yeelanayaan xuquuq ay ka mid tahay in la ixtiraamo lana adheeco,waxaana fuulaya waajib ah in awoodda xukun ee loo dhiibtay u adeegsadaan in ay ku fuliyaan nidaamka bulshada u yaalla.Halkaana waxaa ka cad in bulshooyinka aduunka muslimiin iyo gaaloba aysan ka maarmin nidaam kala haga iyo madax leh awood ay nidaamkaas ku fuliso oo ku ilaaliso. Waxaase bulshooyinka kala sooca,oo muslimiin iyo gaalo u kala saara waa nidaamka nololshay kala aaminsan yihiin ee ay ku kala dhaqmaan. Nidaamkasta oo umadi ku dhaqantana wuxuu ka turjumayaa oo soo bandhigayaa mabaa--di’da iyo qiyamta ay ummaddaasi rumaysan tahay. Masalan, gaaladu nolosha aduunka way iska joogaan,mana garanayaan muraadka iyo danta ay u nool yihiin, halkay ka yimaadeen iyo meeshay u socdaantoona uma cadda. waxayna la mid yihiin dad inta indhaha laga xidhxidhay meel mugdi ah la dhigay looga tegay,aanna aqoon qaabkii saxda ahaa ee loo noolaan lahaa,waxa keliya ee indhahoodu qabteenna waa macmacaanka aduun ee naftu jeceshahay,ee hadii la helo la raaxaysanayo Markaa ayuu hadafkooda noqday sidii loo taabi lahaa wax kasta oo naftu jeceshay oo lagu raaxaysto,sida Alle inoogu sheegay markuu lahaa : kuwa gaaloobay way iska raaxaysanayaan oo iska cunayaan sida xooluhu wax u cunaan, naarta ayaana hooy u ah.} Maxamed (12). Qofka ayaanka leh ee bulshadaas ugu qiimaha badanna waa midka ugu badsada helidda waxyaalahaas naftu jeceshahay ee lagu raaxaysto, qofkii raaxadaa waayana wuxuu isu arkaa dadka kalena ugu muuqdaa ruux hoogay oo ayaan darsaday,sida waaqaca nolosha laga arko kuna cad aayadaha Alle kaga warramayay sida gaaladu nolosha u aragto,sida markuu lahaa:{Marka Alle isagoo insaanka ibtilaynaya karaameeyo una nicmeeyowuxuu odhan rabbigay baa i karaameeyay,markase isagoo ibtilaynaya uu risqiga ku cidhiidhiyo wuxuu odhanayaa rabbigay baa i dulleeyay} Alfajri (15,16). Nidaamka bulshada u yaallana waa mid ku salaysan xaqiijinta hadafkaas,oo wixii raaxo aduun lagu helayo waxaa loo arkaa xalaal dadka u bannaan iyadoon dan iyo muraad laga lahayn cidda ku dhibboonaysa,wixii raaxadaa horjoogsanayana wuxuu agtooda ka yahay xaaraan aan sinaba u bannaanayn,si walboo qurux iyo wanaag u leeyahay. Allena waa kii yidhi:{Kuwa Alle ku kufriyay nolosha aduunyada ayaa loo qurxiyay} Al-baqra(212) .Si kale hadaan u nidhaahno,nidaamka bulshada gaalada u yaalla waa hawo iyo wax dad indho la’ iska jeclaysteen oo inta la qodobeeyay xeer iyo qaynuun lagu magacaabay,waana nidaam nolosha aadanaha hallaynaya oo holcinaya, si kasta kuwa dejistay ha u sheegtaan inay ka baaraan degeen oo dejiyeen aqoon yahanno iyo indheer garad,waa hawo xeerkeedu yahay la jiifiyaana bannaan. Waxa keliya ee noloshaa ka jirayana waa nolosha duur-joogta(jungle life),ee ka xoogga badani ka tabarta yar cunayo,cidkale oo ka sarraysa inta loo dacwoodo kala xaq soorina aanu jirin, sida sheekadii libaaxii,dhurwaagii iyo dawacadii inta ugaadhsi tageen helay biciid,cawl iyo sagaaro,kolkaas uu libaaxii yidhi: Dhurwaa ugaadha qaybi,dhurwaagiina yidhi:Biciidka boqorkaa leh,cawshana aniga sagaaradana dawacada. Dabeed, dhurwaagii dharbaaxo labada indhood la gooyay lana dhul dhacay,weliba ili soo dhacday, kolkaasuu dawacadii ku yidhi:Dayooy adigu qaybi.Say te, biciidku waa qadada boqorka,cawshuna waa cashadiisa,sagaaradun inta u dhaxaysa ha ku faakahaysto. Saa libaaxii inta dhaka faaray buu yidhi: Naa hoogto yaa sidan caddaalada kuu baray?! say te,sayidii waxa isha waraabe ku dhacay baa caddaalada sidan u wanaagsan i bartay. Waxa maanta dulmi iyo xaqdarro ay gaalo aduunka ka wadaan waxay ula muuqataa wanaag iyo cadaalad tii ugu qiimaha badnayd.Heer waxa Maraykan ku hayo Somaliya, Ciraaq,Afqaanistaan,iyo Falasdhiin uu u arko inay maslaxado iyo cadaalad ugu muuqato. Taana wax lala yaabo ma aha,ileen nolosha dhan waa wax lagu hagayo hawo iyo naf jeclaysi,oo innaba caqli iyo cilmi xag Alle ka yimid aan lagu hagayne. Allena suurada Ancaam aayadaha(135-150) wuxuu kaga warramay xeerarkii ay Carabtii gaalada ahayd isku dhaqi jireen,isagoo ku sheegay inay ahaayeen hawo raacid si kasta caqliga iyo cilmigaba uga fog, taasoo ah tusaale nalugu tusayo in hab-nololeed kasta oo aadanuhu dejisto uu sidaas oo kale hawo ugu dhisan yahay oo u kharriban yahay, Hadaba,mar hadii nidaamka bulshada gaalada yahay mid ku socda hawadaa tilmaanteeda ugu muhiimsani tahay jaahilnimo iyo dulmi badni,wax lala yaabo ma aha in la isku tunto oo la iscuno, qolo walbana tay ka itaal roon tahay siday doonto ka yeesho oo u dulmiso. Waxaana laga yaabaa dad badan oo ku indho sarcaaday xadaarada wathaniga ah ee Reer-galbeedka iyo teklinolojiyada ay ku hormareen inay la dhaka faaraan sawirka aan ka bixiyay nolosha jaahiliyada ah ee gaaladoodu ku nool yihiin ee tan xayawaanka koley ka liidata. Meesha wax lala yaabo ma jiraan,se sidaa baa dhab ah,maxaa yeelay,haday teknolojiyada ku hor mareen,xoolihii ay dunida kale ka biliqaysteenna dadkooda ugu raaxeeyeen,maxay tahay nolosha ay maanta dadkoodu ku nool yihiin?!. Waa nolol ka luntay hadafkii insaankan Alle karaameeyay ee aduunka

Waxaa wax laga argagoxo ah in magaca islaamka lagu xasuuqo dad muslimiin ah oo abriyaa ah, waana arrin aad uga fog..

diinta islaamka raadna aan ku laheyn. Haddaba waxaan qormadaan ku cadeyneynaa in aysan diintu raad ke laheyn arimaha noocaan ah oo caalamka kusoo batay beryahan danbe. Diinta islaamka raad kumalaha arintaas waxaana u daliil ah:- 1- In ilaahey quraanka ku xaaraantinimeeyay in qof muslima is dilo oo uu naftiisa khaarajiyo sabab kastaba haku timaadee(.قال تعالي ولا تقتلو أنفسكم ان الله كان بكم رحيما)النساء ) Macnaha aayadduna waa (naftiina ha dilina ilaahey waa mid idiin naxariisanaayee qofkii sameeya oo isdilana naar ayaan gelineynaa) 2- Nabiguna CSW woxow xadiith saxiixa ku caddeeyay oo ku jira bukhaari iyo muslim in qofkii is dila aakhiro lagu cadaabo sidii uu isu dilay asagoo jahanama ku jira. 3- Ma fasixin nabigu SCW in gaaladii waaweyneed ee diinta la dagaalameysay sidii abuu jahal in la dilo oo si gaadma ah loo dilo taas oo uu aad uga hortaaganaay saxaabada taas oo tusaaleyneysa in aysan banaaneyn arinkaasu sida culumada islaamkuba isku raacday haddey banaanaanlahaydna gaaladaas ayaa lagu fulin lahaay dilkaas gaadmada ah. 4- Waxaa ka dhalanaya in dad muslima la laayo, taasoo xaaraan ku ah diinta islaamka waana midda haddaba dhacaday shalay 4-tii OKT. taasoo aan aheyn mid diinta islaamka meel ka waafaqsan. 5- Inay is qarxintaanu tahay in islaamka sharafkiisii la tashwiihiyo amaba loo muujiyo qaab aad uga fog tacaaliimta islaamka oo ku dhisana dacwada islaamka iyo mujaadalo wanaagsan, oo lala yeesho xataa kuwa gaaladaa oo aan islaamka rumeysneyn sida quraankaba ku cad. 6- Jihaadkii islaamka oo la taxriifiyay oo loo bedelay in muslimiintu is warjaafaan amaba dhiigga islaamka leeska baneesto iyo in umadda loo sahlo in cadawga islaamku ay ka faa,iideestaan khlaafkaas gurucan oo gaaleysiintaasu ay ka abuureyso mujtamaca islaamka dhexdiisa oo gaarsiinaaya in sidii la rabo laga yeelo iyadoo laga faa'iideysanaayo khilaafkaas. Haddaba waxaan Adiladaas cad cad ku garaneynaa in arintaasu tahay arin fasaad ah oo weliba kii ugu xumaa ah. Haddaba maxaa la gudboon umadda soomaaliyeed iyo dawladda Soomaaliyaba? -- In shacabka soomalaiyeed ee muslimkaahu uu arintan kaankaraha ah islaamkana lagu been abuurtay meel ugasoo wada jeesto sidii saxaabadii iyo taabiciintii sameeyeen markey ka hortageen khawaarijtii fidnada badneed dishayna deyd cali ibnu abii daalib khaliifatul muslimiin, oo midnimo lagu wajaho lana caddeeyo in takfiirkaan faasidkaa laga hortago iyadoo la adeegsanaayo dhamaan wixii looga hortegi karo oo af iyo adin ah. -- In culumadu aamuska ku dhisan fulaynimada amaba fahamka xun ey ka baxaan ogaadaana in xaqa in la caddeeyo ey waajib alle kula xisaabtamaayo tahay tusaalana ka dhigtaan asxaabtii nabiga oo isku raacday la dagaalkii khawaarijtii baneysatay dhiiggii muslimiinta iyadoo weliba khawaarijtu aysan dili jirin shacabka madanigaa balsa ay dili jireen kaliya ciidanka dowladda xiliga dagaalada lagu jiro iyo madaxda, laakin kuwan khawaarijta casriga ahu waa kasii fogyihiin khawaarijtii hore sida culumaduba caddeysay kana muuqata manhajkooda xasuuq doonkaa ee umadda dheegeeda ey ku baneysteen. --In dawladdu ay si cad ugu dhawaaqdo ku dhaqanka shareecada islaamka sidii aan ku faah faahinay qormadii hore si shubhada dhalinyaradaan yar yar lagu qaldaayo ey meesha uga baxdo eyna kasoo baxdo dowladdu ballanqaadkeedii hore. -- ugu danbeyntii waxaa waajib ku ah dawladda inay shacabka ka badbaadiso dhibaatada lagu hayo magaaladana ay wadooyinka soo gala oo dhan ay gacanta ku dhigto oo ay masuuliyadda amaanka gudaha caasimadda ay qaaddo, haddii kale ilaahey hortiisa waa lagula xisaabtamaayaa. Ilaahay ayaan ka baryeynaa in uu naga saaro fikirkaan faasidkaa ee takfiirkaa oo dalkeennii mugdiga geliyay amnigana noogu sugo si waafaqsan sharcigeenna islaamka.

Diinta Islaamka Waa Mustaqbalka Caalamka (Caalmi Baaris)

Arduunyaddu way isbedelaysaa adiguna markhaati ayaad ka tahay waa tan warbixin khaas oo ku saabsan Dadka ku nool Aduunyada si ay Umad Xadaaradoodu u jirto oo ay noolaadaan waxa ay u baahan yihiin 25 sanadoodba in korinka Bulshadaas ay kordhayso ay noqoto 2,11 ilmo ay dhashaan wixii intaa ka yar waxa ay keenaysaa in Umaddaa ay dabar godo hadaba suurta gal maha Taakhriida in Umaad koriinkeedu yahay 1,9 in ay sii jirto, balse hadii ay intaa ka sii yaraatana hadlkeedaba iska daa waayo waxa ay qaadanaysaa 80-100 sano in ay saxdo khaladkeeda mana dhici karto in ay sameeyaan hab dhaqaale oo ay wax ku soo saari karaan dhinaca kale hadii laba nin reer oo Yurub ay guursadaan laba dumara oo reer Yurub waxa ay ka dhalayaan reerkiiba hal caruur ah markaa afartii Qof ee is guursaday waxay dhaleen laba qof ,labadii ay dhaleen markay is guursadeen waxa ay dhaleen hal qof markaa qoladan ilmahoodi ma haysto cid ay Guursato kuwa ka danbeeyana maba jiraan.

Hadaba, hadii 2006 Dadkii shaqaynayay ay noqdaa hal milyaan 2026 Dadka shaqaynaa aad ayay isku dhimayaan wayna adag tahay in la helo Dad ku filan Shaqada maadaama taranku yaraanayo taasna waxaa u sabab ah Dhaqanka Dadkaas haystaan Baadhitaan la sameeyay 2007 Nambarka Dumaraka ee nool iyo Caruurta ay dhalayaan waxaa lagu qiyaasay France 1,8 Egland 1.6 Greece1,3 Germany 1,3 Italy 1,2 Spain 1,1 dhanaca kale Yurub oo dhan oo ka kooban 31 Dal waxaa ay noqotay Caruurta u dhalanysaa 1.38 hadaba baadhitaan kale oo la sameeyay ayaa sheegay in ay adag tahay in Yurub sii jirto hadii ay sidaa ku socdaan muddo kooban taas oo sababi karta Yurubta aynu naqaano maanta iyo awoodooda in ay dabar godo oo la waayaba jiritaankeeda, hadab arinta cajiibka ah waxaa weeye dabar go’an ku soo socda Yurub hoos uma dhigin hoos u dhaca Dadka ku nool Yurub sabatu waa maxay waa Dadka ku soo Qaxaya Wadmada kuwaas oo ah Dadka muslimiinta ee ka soo cararaya Wadamadoodii baadhitaan ay sameeyeen 1990 Yurub waxa ogaadeen tirada Dadka ee Yurub in ay kordhayso Sababtun ay tahay Dadka muslimiinta ee u soo Haajiraya Wadamada Yurub kuwaas oo lagu sheegay warbixinta in Dadkaas 90% yihiin Muslimiin.

France Reerkasta waxa uu haystaa 1,8 Caruur ah halka muslimiinta ku nool Farans ay haystaa 81 caruur ah Qoyskiiba waxaa taa ka sii cajiib badan oo lagu sheegay warbixintan in koonfurta France tahay meesha aduunka ugu Kiniisadan badan taas oo layaab ku dhalisay markii warbixitu sheegtay in Masaajidada laga dhisay ka bateen Kiniisadahii arinta kale ee taa ka yaab badan waxa weeye dhalinyarada Dadoodu tahay 20 ee ku nool halkaa 30% waa dhalinyaro Muslimiin ah magaalooyinka waaweyn sida Marsee ,Nays iyo Paris numbarkaa waxa uu gaadhay 45% hadaba waxaa kalo warbixitu sheegtay 2027 in shantii Qof mid noqon doono Muslim halka ay sheegtay in 39 Sano ka dib France noqon doonto Wadan Muslim .

Waxaa iyana mudan in la xuso Dadka muslimiinta ee kunool Wadanka Ingriiska waxaa lagu qiyaasaa 30 sano danbeeyay in ay aad u kordhayaan ka waxa ay ka bilaabmeen 82000-2.5 Milyan iminka maraya kuwaas oo sodon laabmay , waxaa kaloo ay xustay warbixintaa in 1000 Masjid oo laga dhisaya France badankoodu ay ahaayeen Kiniisado dhinaca kale Wadanka Holand Caruurta dhalanaysa 50% waa Muslim sidaa awgeed 15 Sano ka dib Dadka ku nool Holand kalabadh waxa ay noqonayaan Muslimiin halka Ruushka dadka muslimiinta ee ku nool lagu qiyaaso 23 Milyan shantii Ruush ahba mid ayaa Muslim ah halaka 40% Ciidka Ruuska waa muslim mudo yar oo gaaban, dhinac kale Wadanka Biljamaka 25% Dadka ku nool Biljamka waa muslim sidaa awgeed Caruurta dhalanyasa wadanka Biljabka 50% waa Muslim taas oo Xukuumada Biljam sheegtay in sanadka 2025 sadexdii Caruur ah ee Yurub ahba in mid noqon doono Muslim waa 17 Sano ka dib dhanaca kale Wadanka Jarmalka ayaa si cad u shegay in Dadka Jarmalka oo koritaankoodu yaraanayo awgeed in Muslimiintu seedarayaan ama hareeraynayan sidaad u taaqaan Jarmalka taas oo ay iyagu sheegeen, sidaa awgeed Sanadka 2050 Dawlada Jarmalku waxa ay noqonaysaa Muslim Dadka muslimiinta ah ee ku nool Yurub waxaa lagu qiyasaa 52 Milyan waxa ay sheegtay in cadadkaa muddo labatan sano gudahood ay noqonyaan labanlaab 104 Malyuun dhanac kale Canada Cadadka koriinku waa 1.6 caruur ah halka ay tahay si ay Umaddi u jirto in ay haysto 2,11 caruur ah isku celcelis Islaamku waa Diinta ugu badan ee si qayra caadiya u fidaysa Aduunka,

Canada cadadka korinka waa 1.6 tiradaa 1,2 ka mid ah waa Dadka muslimiinta ee u Haajiray Wadnkaa dhaca kale ,maraykanka korinkiisu waa 1.6 sidaa awgeed marka lagu daro Dadka u haajiray waxa ay maraysaa cadadka koriinka 2.11 hadaba 1970 waxaa joogay Ameerika 100,000 Muslim ah maanta waxaa weeye 9Milyan waqtigii wuu isbedelay sidaa awgeed waxa ay yidhaadeen waa in aan u diyaar garawnaa 30 Sano ka dib waxaa uu noqonayaa Muslimiinta ku nool Ameerika 50 Milyan sidaa awgeed Wadanka aan ku noolahay ma noqon doono kay ku noolanayaan awaw yaasheen Kinisada kataloga waxa aya sheegtay in cadadka Muslimiinta ee korayaa in ay xuduudkii dhaafeen daraasadaa waxa ay sheegtay hadii Muslimku sidaa sii ahaadaa 5-7 sano islaamku waxa uu noqon doonaaa ka Caalamka xukuma aad ayay uga wewersan yihiin xaqiiqdan waxaanay ku dhawaaqayaan in Ameerika arintan dhakhso wax uga qabato.

Hadaba akhristow rumayso ama ha rumaysan Diinta islaamku waa diin Caalami ah Aduunkan iyada ayaa xukumaysa uma baahana in qori la qaato Diintan ilaahay ayaa iska leh isaga ayaa wada iyadoo aan cidna lagu qasbin ama qori loo qaadan ayay galysaa meelkasta, Dadkaa reer Yurub ee horumarka gaadhay hadana kuma faraxsana Nolosha Diin la’aan ayaa haysa,Diin aan Islam ahayn ma keenayso horu-mar iyo deganaansho waa in aan ku dhaqanaa Diinteena,Dadka muslimiinta ee maanta isdilaya Diintii islaamka ayay been ka sheegayaan Sumcad xuna ka bixinayaan Diinta islaamku waa diin nabadeed Dagaalana shaqo kuma laha.

Holy-Quran-Pictures-9

Islam Denounces Terrorism

The act of inciting terror in the hearts of defenceless civilians, the wholesale destruction of buildings and properties, the bombing and maiming of innocent men, women and children are all forbidden and detestable acts according to Islam and the Muslims. This is regardless of any type of terrorism, including western state-sponsored terrorism which has killed, injured and displaced infinitely more people than all other types of terrorism. If an individual Muslim were to commit an act of terrorism, this person would be guilty of violating the laws of the very religion they claim to follow - Islam. Would it be fair to condemn all Muslims as a result, when the religion itself is against such acts? Muslims follow a religion of submission to God, peace, mercy, and forgiveness. The vast majority have nothing to do with the violent events some – notably the media - have associated with Muslims. Islam is not a religion of extremism.

“Allah does not forbid you from showing kindness and dealing justly with those who have not fought you about religion and have not driven you out of your homes. Allah loves those who are just.”Qur’an 60:8